13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo soo saaray go’aan khilaafsan go’aan uu hore ugu dhawaaqay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 30, 2007(HOL): Madxweyne ku xigeenka Somaliland, Ahna Gudoomiyaha Gudida taakulaynta qaranka ee Gobolada Sool, Sanaag-bari iyo degmada Buuhoodle, Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa wareegto uu soo saaray shalay ku muujiyay lacagta qaadhaanka ah ee shaqaalaha dawlada looga jarayo goboladaas oo ka khafiifsan mid hor uu ugu dhawaaqay.

 Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa sheegay in shaqaalaha dawladu aanay xamili karin lacagtii hore loo go’aamiyay in looga jaro horumarinta gobolada bari, taas oo sheegaysay in sadexda bilood ee ugu horeeya sanadka fooda inagu soo haya ee 2008 laga jaro mushaharooyinkooda bilkasta. Md Axmed Yuusuf Yaasiin, warsaxaafadeedka uu ku nasakhay go’aankiisa hore soo saaray waxa uu u qornaa sidan :

“Gudida taakulaynta gobolada bari waxay go’aan ku gaadhay in waraaqdii tixraaceedu ahaa GTQ/DW/03-015, dib looga noqday ka dib markii la tixgeliyay duruufaha ay ku sugan yihiin shaqaalaha dawlada oo aan xamili karin in bil mushaharkooda laga jaro.

Waxana gudidu isla garatay sidan hoos ku xusan 1- darajada (A) waxa laga jari doonaa 75000 shilin Sl ah 2- darajada (B) waxa laga jari doonaa 50.000 oo shilin Sl ah 3- darajada (C) waxa laga jari doonaa 25000 oo shilin sl ah 4- darajada (D) waxba laga jari maayo.

Lacagta shaqaalaha laga jarayo waa mar qudha, waxana si toos ah loogu shubayaa xisaabta baanka dhexe Somaliland uga furan taakulaynta Gobolada bari, waxana wasaaradaha iyo Haa’yadaha dawliga ah la farayaa inay xil weyn iska saaraan fulinta Wareegtada”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).