13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah oo fariisin ka sameystay Deegaanka Kala-Beyr ee Gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 30, 2007(HOL): Kadib markii dhawaan Ciidamadii fariisinkoodu ahaa Degmada Guri-ceel ee Gobalka Gal-gaduud isaga baxeen goobihii ay daganaayeen islamarkaana Qeyb ka mid ah ciidamadii fadhigoodu ahaa Deegaanka Jante-guudisho u dhaqaaqeen dhinaca Degmada Feer-feer ayaa maanta waxaa lagu arkay Deegaanka Kala-beyr oo dhinaca W/galbeed kaga beegan 30km Magaalada Beledweyne Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa Dowlada Itoobiya.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in ay ka warqabaan Ciidamada Cusub ee soo degay Kala-beyer isaga oo intaa ku daray in uu jiro is bad-badal dhinaca ciidamada gaar ahaan kuwa ku  sugan gobalada Dhaxe.
 
Qaar ka mid ah Gaadiid-leyda ka howl-gasha Gobalada dhaxe dalka Soomaaliya ayaa iyagu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Kala-beyr wadaan baaritaano xoog leh oo lagu sameynayo Gawaarida isaga kala gudubta  Gobalada Dhaxe  iyo kuwa u safra dhinaca Xadka Itoobiya Gobalku la wadaago.
 
Ilaa iyo hadda macada in Ciidamadu sii joogi doonaan Deegaanka Kala-beyr iyo in kale waxaase warar soo baxaya sheegayaan in laga yaabo qaar ka mid ah Ciidamadani in ay u gudbaan dhinaca Gobalka Gal-gaduud walow aan la ogeyn halka rasimiga ah oo ay ka tagayaan Gobalka Gal-gaduud.
 
Dhawaan ayeey aheyd markii ay isaga baxeen Ciidamadii Itoobiya ee Fariisinkoodu ahaa Gobalka Gal-gaduud Degmada Guri-ceel, taasoo dadka sida weyn ula socda arimaha Malatariga Itoobiya ku sheegeen in ay tahay xeelada dhinaca Ciidamada ah.
 
Waa markii ugu horeysay oo lagu arko deegaanka Kala-beyr Ciidamo Itoobiyaan ah waxaana marka aad eegto halka Ciidamadi soo dageen la oran karaa waa goob Istiraatiji ah maadaama ay ku kala leexaadaan Jidadka u kala baqoola Dhulka Ismaamulka Itoobiya iyo kan Gobalada dhaxe.
 
C/raxmaan Diin, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).