Axad, December 30, 2007(HOL):Iska hor-imaad hubeysan ayaa maanta wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Warshaddii Caanaha iyo Tareebuunka, iyadoo iska hor-imaadkaasna uu dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Iska hor-imaadka oo waqti yar socday ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha uu geystay, bacdamaa halka lagu dagaalamayay ay ahaayeen meelo ay dadkii deganaa ka baro-kaceen, isla markaana ay kaliya isku haleeleen dhinacyadii dagaalamay.
Laakin iska hor-imaadkaas kadib ayaa waxay madaafiic hoobiyayaal ah ku dhaceen deegaanka Raadeerka ee Degmada Dayniile, waxaana halkaa ku dhaawacmay hooyo iyo canug yar oo ay dhashay, waa sida ay dadka deegaankaas ku sugan sheegeen.
Dhanka kalena, qarax loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa saaka waxaa lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhaxeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Kulliyaddii Jaalle Siyaad, iyadoo qaraxaasina la sheegay in ay waxyeello ka soo gaartay Gaari Ural ah oo ay Ciidamada Itoobiyaanka wateen.
Qaraxaas kadib ayay dad arkayay sheegeen inay Ciidamada Itoobiyaanka ee qaraxa lala beegsaday ay seddex ruux oo rayid ah ka kaxeysteen meel aan u dheereyn halkii lagu qarxiyay, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn meel ay la aadeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia