12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Xaafado ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa oo Madaafiic BM uu ku jiro lagu garaacayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 03, 2007(HOL): Goor dhaweyd ayaa waxaa xaafado ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ka bilowday dagaal xooggan oo u dhaxeeya Cidiamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka horjeeda.
 
Dagaalka oo ka bilowday Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Xaafado kale oo ka tirsan Degmada Huriwaa ayaa markii uu cabaar socday oo ay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan Baasuukayaal, Hoobiyayaal iyo Taangiyada ay Itoobiyaanka isticmaalaan ayaa waxaa mar kaliya la maqlay dhawaqa madaafiicda BM-ka oo lagu ridayo deegaanada ay dagaallada ka socdaan, gaar ahaan qeybaha aysan ku sugneyn Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka.

Tiro Madaafiic ah oo ka dhaceysay Qoriga BM-ka oo loo maleynayo in la tuuray Xerooyinka Gaashaandhigga iyo Asluubta oo fariisin u ah Ciidamada Itoobiya yaa waxay u gudbeen dhinaca xaafado ka mid ah Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid, waxayna taasi dad badan xusuusisay dagaalladii Muqdisho ka dhacay Bilihii Maarso iyo April ee sanadkan.

Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha ay madaafiicdaas geysteen, waxaase la hubaa inay khasaare geysan karaan bacdamaa halka ay ku dhacayaan ay tahay meel ay dad ku nool yihiin.

Dagaalka ka bilowday degmooyinkaas ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay saaka halkaas tageen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ay la socdaan kuwo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo intii uusan dagaalka bilaaban ku sugnaa Deegaanka Suuqa Xoolaha oo saaka gebi ahaanba ay albaabada u laabnaayeen goobaha ganacsiga.

Wixii ku soo kordha madaafiicda qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho lagu garaacayo kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).