Khamiis, November 29, 2007(HOL): Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ahaa Wasiirkii Isboortiga Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Geedi, isla markaana ku soo bixi waayay Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in uu cadaalad darro tabanayo.
Mowliid Macaani oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn waxaa uu sheegay in cadaalad darrada uu tabanayo ay tahay iyadoo Beesha uu ka soo jeedo ee Jareer-weyne la duudsiiyay xaqii ay ku lahayd Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ahaa Wasiir iyo Wasiir ku xigeen.
“Jareer-weyne oo 7 Kursi Baarlamaanka ku leh, isla markaana degan 9 gobol xaq ma ahan in la siiyo Wasiir ku xigeen kaliya, halka beelo labo kursi ku leh Baarlamaanka ay xubno ka heleen Xukuumadda Federaalka”ayuu yiri Mowliid Macaani Maxamuud.
Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in uusan garaneyn sababta Xuquuqdii Jareer-weyne sida uu yiri loo dafiray, “Ma aqaano sababtaas ma waxaa laga wadaa Dad ma dishiin”ayuuna is-weydiiyay Mowliid Macaani Maxamuud oo sheegay in uusan xaqooda ahayn Wasiir ku xigeenka la siiyay oo kaliya.
Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in aan cadaalad darradaas kaliya lagu sameynin beesha Jareer-weyne balse ay jiraan beelo kale oo iyana wax tabanaya, wuxuuna Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ugu baaqay in uu saxo cadaalad darrada uu sameeyay waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxaa uu ka hadlay Mowliid sababta ay Xukuumaddan u soo geli waayay Xubno ku jiray Xukuumaddii hore, isla markaana ku fikirka ahaa Ra’iisal Wasaare Geeddi markii uu jiray Khilaafkii u dhaxeeyay madaxda Dowladda, wuxuuna sheegay in uu u muuqdo sawir ah in aan meesha laga rabin xubnihii ka soo horjeeday fikirkii madaxweynaha.
Ugu dambeyntiina , Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in uu xilkii Wasaaradda Isboortiga uu ku wareejin doono Wasiirka cusub Madoobe Nuunow Maxamed, isagoo sheegay in uu howlo badan qabtay intii uu hayay xilka Wasaaraddaas, “Howlaha aan qabtay waxaa ka mid ah dayactir aan ku sameeyay dhismaha Wasaaradda aniga oo waliba jeebkeyga ka dayactiray, isla markaana rahan ahaan u dhigay Dukumiintiyada labo Guri oo aan Xamar ku leeyahay si loo dayactiro dhismaha Wasaaradda”ayuuna yiri Mowliid Macaani Maxamuud.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia