13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Hay’adda UNDP oo dayactir ku sameyneysa Gacan-biyoodka Boodaaye ee Degmada Mahadaay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 29, 2007(HOL): Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee UNDP ayaa waxay dayactir ku sameyneysaa gacan biyood ku yaala Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kaasi oo biyo yareeyay kadib markii ay carro ka buuxsantay.
 
Gacan-biyoodkan oo lagu magacaabo Boodaaye ayaa wuxuu dhererkiisu yahay 6km, waxaana biyaha uu keeno ku tiirsan dhul beereed bedkiisu dhan yahay 1,500  oo Hector, kaasi oo lagu tacbo dalagyo isugu jira Galley, Sisin, Digir iyo Qudaar.

C/llaahi Cali Shiikh oo ka mid ah Beeraleyda ku dhaqan Degmada Mahadaay ayaa sheegay in Kanaalkan uusan muddo 13 sano ah helin wax dayactir ah, iyadoo xiligaas ka hor ay mar dayactir ku sameysay Hay’adda Adra Saacid.

Axmed Shiikh Cali waxaa uu sheegay in Hay’adda Adra ay Kanaalka Boodaaye ka qoday 4.5 mitir, wuxuuna intaas ku daray in Hay’adda UNDP ay iyadana qodis ku sameyn doonto Kanaalka oo carro ay ka buuxsantay.

Hay’adda UNDP ayaa waxay horay dayactir ugu sameysay Kanaallo ku yaala Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ku jiro Kanaalka Shiinaha ee ku yaala duleedka Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu dambeyntiina, Beeraleyda ay Beerahooda biyaha ka heli jireen Kanaalka Boodaaye ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen howlaha dayactirka ah ee ay Hay’adda UNDP ku sameyneyso Kanaalkaas oo aan muddo 10 sano ka badan helin wax dayactir ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).