15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dadka Degmada Guriceel oo si weyn u soo dhaweeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tegay halkaas kadib muddo lix bilood ah oo ay dul-deganaayeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 29, 2007(HOL): Dadka ku dhaqan Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa si weyn ugu farxay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay Degmadaas kadib muddo lix bilood ah oo ay halkaas ku sugnaayeen.

Cusmaan Cumar Cali (Cusmaan Taar Dhuleed) oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Degmada Guriceel ayaa sheegay in ay Dadka degaanka aad ugu farxeen ka tegitaankii ay Ciidamada Itoobiyaanka halkaas ka tageen,wuxuuna sheegay in ay Dadka Guriceel farxadda ay dareemayaan ay uga dhigan tahay sida 1-dii Luulyo 1960-kii xiligaas oo ku beegan markii ay Soomaalida xornimada qaadatay.

“Dadku Alle ayay ku shukrinayaan haddiiba ay ka dul-kaceen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee mudada dul-deganaa, waayo waxaa jiray dad ay guryahoodii iyo deegaanadoodii deganaayeen”ayuu yiri Cusmaan Taar-Dhuleed oo beeniyay warar sheegaya in markii ay Ciidamada Itoobiyaanka halkaas ka baxeen kadib ay halkaas gaareen xooggag ka tirsan Maxkamadihii Islaamka, wuxuuna caddeeyay in raggaas la arkayay ay yihiin Ciidamo deegaanka ah oo laga warqabo.

Sidoo kalena, C/salaan C/qaasim oo ka mid ah Dadka Degmada Guriceel ayaa sheegay in ay Ciidamada Itoobiyaanka xoog ku heysteen dadka deegaanka, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ay ka joojiyeen dhismo ay deegaankaas ka wadeen, “Waxay naga khasaariyeen Shamiindo aan wax ku dhiseynay oo aan Xamar ka keenay, sidoo kalena waxay heysteen Isbitaal dadka looga daweeyo xanuunnada ku dhaca Feeraha, waxaana intaas sii dheer iyadoo ay deganaayeen guryo ay dad lahaayeen”ayuu yiri C/salaan C/qaasim oo sheegay in ay Degmada Guriceel ka wadaan Mashaariic kala duwan oo horumarin ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Degmada Guriceel ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn meel ay aadeen, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in ay aadeen dhinaca gobolka Hiiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).