Jimco, December 28, 2007(HOL): Labo Diblumaasi oo ka socda Dowladaha Spain iyo Argentina ayaa waxay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari u tageen sidii ay maamulka Puntland wada hadallo ugala yeelan lahaayeen sii deynta labo gabdhood oo u shaqeynayay Hay’adda Dhaqaatiirta aan Xuduuda lahayn ee MSF-Spain, kuwaasi oo labo maalmood ka hor lagu af-duubtay magaalada Boosaaso.
Diblumaasiyiintan oo lagu kala magacaabo Nicolas Martin (Spain) iyo Fernando Folendelo (Argentina) ayaa waxay kulamo la leeyihiin Guddi uu maamulka Puntland u saaray sii deynta samafalayaashaas, kaasi oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Axmed Siciid Aw-Nuur.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Diblumaasiyiintan ay si weyn u daneynayaan in lala xaajoodo kooxaha af-duubka ku heysta Mercedes García (Spain) iyo Pilar Bauzá (Argentina), halka uu maamulka Puntland uu horay u sheegay in uusan jiri doonin wada hadal lala gelayo kooxaha af-duubka geystay isla markaana xoog looga soo furan doono gabdhaha samafalayaasha ah ee ay heystaan.
Ciidamada Ammaanka Puntland iyo kooxaha af-duubka ku heysta samafalayaashaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay weli is-ceyrsanayaan, isla markaana ay iskula maqan yihiin dhul buuraley ah oo magaalada Boosaaso dhanka Bari kaga toosan, iyadoo labada dhinacna ay cagtooda maalayaan bacdamaa aaney gaadiidka geli karin dhulka buuradeyda ah.
Mas’uuliyii u hadlay Dowladaha Spain iyo Argentina ayaa waxay rajo ka muujinayaan in Samafalayaashaas dalkooda u dhashay la soo deyn doono iyagoo aan wax dhibaato ah loo geysan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Argentina oo lagu magacaabo Jorge Taiana ayaa sheegay in uu jiro jawi wanaagsan oo rajo leh, wuxuuna intaas ku sii daray in maanta oo Jimco ah xal la gaari doono, isagoo caddeeyay in Kalkaaliso Pilar oo dalka Argentina u dhalatay loo xaqiiyay in ay nooshahay oo xaalkeedana uu wanaagsan yahay.
Sidoo kalena, Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain nin lagu magacaabo Miguel Ángel Moratinos ayaa isna sheegay in uu arrinta sii deynta samafalayaasha lagu af-duubtay magaaalada Boosaaso uu kala hadlay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in uu rajo ka qabo in la sii daayo Drs. Mercedes García oo Spain u dhalatay iyo Kalkaaliso Pilar Bauzá oo Argentina u dhalatay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maalmo ka hor ayay ahayd markii gacanta kooxo af-duubtay laga sii daayay Wariye u dhashay Dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Gwen Le Gouil, kaasi oo doonayay in uu warbixin ka sameeyo sida looga tahriibo Xeebaha Boosaaso, wuxuuna af-duubka loo geystay labadan gabdhood ee u shaqeynayay MSF-Spain uu noqonayaa midkii labaad oo mudd 10 maalmood gudahood ah ka dhaca Magaalada Boosaaso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia