15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Maamulka Puntland oo sheegay in Samafalayaasha la af-duubtay Magaalada Boosaaso ay diideen in ilaalo loo sameeyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 28, 2007(HOL): Wasiir ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in samafalayaashii lagu af-duubtay magaalada Boosaaso ee u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain ay diideen in ilaalo loo sameeyo.
 
Wasiirka Ganacsiga Maamulka Puntland C/samad Yuusuf Abwaan oo u waramayay Idaacadda Qur’aanka Kariimka (IQK) ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii la af-duubtay Wariyihii Faransiiska ahaa kadib loogu baaqay labada gabdhood haatan gacanta af-duubayaasha ku jira in ay ilaalo sameystaan, hayeeshee ay taas ka dhego-adeygeen.
 
“Markii lagu yiri ilaalo hala idiin sameeyo, waxay yiraahdeen magaaladan amni baan uga baranay mana rabno ilaalo”ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Puntland oo ka mid ah guddigii u xil-saarnaa  sii deynta Wariyihii Faransiiska ahaa ee deegaannada Puntland lagu af-duubtay, haatanna aad ugu ololeynaya in ay xoriyaddooda dib u helaan samafalayaasha laga heysto Hay’adda MSF-Spain.
 
Mar wasiirka wax laga weydiiyay cidda ka dambeysa falalka af-duubka ah ee ku soo badanaya deegaannada Puntland waxaa uu sheegay in dadka ka dambeeya af-duubka ay yihiin dad ka yimid dibadda deegaannada Puntland, wuxuuna caddeeyay in ay gacan bir ah ku qabanayaan oo aysan ka yeeli doonin sida uu u yiri in lagu ciyaaro amniga deegaannada Puntland.
 
Ugu dambeyntiina waxaa rajo wanaagsan laga muujinayaa in ay xoriyaddooda dib u helaan oo la sii daayo Mercedes García (Spain) iyo Pilar Bauzá (Argentina) oo maalintii seddexaad ku jira gacanta kooxo ka af-duubtay Xaafadda Raf iyo Raaxo ee ku taala bariga magaalada Boosaaso, xili ay ku sii jeedeen xarun ay ka howlgelayeen oo lagu quudiyo caruurta nafaqo-darrada heyso.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).