15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Samafalayaasha u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain

- Advertisement -spot_imgspot_img

Danjire Ahmedou Ould-Abdallah

Khamiis, December 27, 2007(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah ayaa ugu baaqay kooxaha af-duubka ku heysta samafalayaal u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain oo shalay lagu af-duubtay Magaalada Boosaaso inay sii daayaan.

Ahmedou Ould-Abdallah oo ka hadlayay Afduubka maalintii labaad lagu heysto Mercedes García (Spain) iyo Pilar Bauzá (Argentina) oo u shaqeynayay Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF-Spain ayaa wuxuu sheegay in af-duubka loo geystay samafalayaashaas uu yahay mid aan u adeegeynin Nabadda Soomaaliya iyo dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaalida, sidaas darteedna wuxuu ku baaqay in samafalayaashaas si shuruud la’aan ah loo sii daayo.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Dalka Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah ayaa mar uu dhawaan warbixin u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa uu sheegay in xaaladda dalka Soomaaliya ay tahay khatar ka sii dareysa, iyadoo ay xusid mudan tahay in aysan hadalkiisaas jecleysan Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo iyagu sheega in xaalka Soomaaliya uu ka wanaagsan yahay sidii uu horay u ahaa.

Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay Danjire Ahmedou Ould-Abdallah in ay sameeyaan jiho Soomaaliya loogu keenayo nabad waarta iyo xasilooni, wuxuuna haddii taasi la waayo uu ka digay in dhibaatada Soomaaliya aysan Soomaaliya kaliya ku ekaan doonin oo markaasina ay noqon doonto mid wada saameysa Soomaaliya iyo Gobolka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo labo jeer booqasho ku tegay Dalka Soomaaliya ayaa markii uu ku laabtay Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi waxaa uu sheegay in Xaaladda dalka Soomaaliya ay tahay mid aad khatar u ah, isagoo dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliyana ugu baaqan in ay ka wada hadlaan khilaafaadyada u dhaxeeya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).