15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda oo ku dagaalamay Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 27, 2007(HOL): Iska hor-imaad xooggan oo la isugu adeegsanayo qori gacmeedyo, Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo Bastoolado ayaa saaka waxay ka dhaceen gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha.
 
Iska hor-imaadyadan ayaa waxay u dhaxeeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag ee dhanka Koofureed ka xiga Suuqa Bakaaraha  iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaasi oo mararka qaarkood isku rasaaseynaya gudaha Suuqa.

Gudaha iyo hareeraha Suuqa ayaa haatan waxaa ka dhaceysa rasaas ay labada dhinac is-weydaarsanayaan, waxaana gebi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsi yar oo maalamahan ka socday Suuqa Bakaaraha, iyadoo la arkayo dad badan oo Suuqa isaga sii baxaya, si aysan waxyeello uga soo gaarin is-rasaaseynta labada dhinac.

Iska hor-imaadkan hubeysan ee ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu yimid iyadoo shalay gelinkii dambe ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo fariisin ku leh Isgoyska Aadan Cadde iyo Xaafadda Geed Jaceyl.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa nabadgelyo la’aan la soo deristay iyo weliba iska hor-imaadyada hubeysan ee ka dhaca waxaa ay ka dhigeen mid laga sii kala guurayo, iyadoo ganacsato badan oo Suuqaas ku ganacsan jirtay ay haatan bilaabeen in ay ganacsigooda u wareejiyaan Suuqyo kale oo ay ka mid yihiin Siinaay, Suuq Bacaad iyo Suuqii Xamar-weyne.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).