15.8 C
London
Sunday, October 12, 2025

Iska hor-imaad ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo Qarax ka dhacay nawaaxiga Miisaanka Dhuxusha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 27, 2007(HOL): Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa ayaa saaka subaxnimadii waxaa ka dhacay iska hor-imaad dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo doonayay in ay halkaas howlgallo ka sameeyaan iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
 
Iska hor-imaadka oo muddo gaaban socday ayaa waxaa uu bilowday kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay Xeradii Maslax ay isku dayeen in ay howlgallo ka sameeyaan deegaanka Suuqa Xoolaha, halkaasi oo ay isaga hor-yimaadeen rag Bambo gacmeedyo iyo Bastoolado ku hubeysan.

Goob-jooge ku sugan deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa HOL u sheegay in intii aysan Ciidamada Itoobiyaanka soo gaarin deegaanka Suuqa Xoolaha ay dadkii yaraa ee halkaas ku haray ay isaga carareen, iyagoo ka baqaya in ay waxyeello u geystaan Ciidamada Itoobiyaanka.

Goob-joogahani wuxuu sheegay in todobaad kasta marka la gaaro maalinta Khamiista ah ay dhacaan iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, iyadoo taasina uu ku sababeeyay Ciidamada Itoobiyaanka oo Khamiis kasta loo geeyo raashinkii ay isticmaali lahaayeen.

Ma jirto cid xaqiijin karta khasaare ka dhashay iska hor-imaadkaas waayo deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa wuxuu yahay mid ay ka baro-kaceen inta badan dadkii deganaa, waxaana haddiiba uu khasaare jiro uu soo gaarayaa guryo aysan dad joogin iyo labada dhinac ee dagaalamaya.

Dhanka kalena, Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa saaka wuxuu ka dhacay agagaarka Miisaankii dhuxusha, halkaasi oo meel u dhow ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo aan la ogeyn wax khasaare ah oo uu qaraxaas u geystay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).