Arbaco, December 26, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Ammaanka Puntland iyo raggii af-duubtay labo hablood oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain, kuwaasi oo saaka lagu af-duubtay gudaha Magaalada Boosaaso.
Wararku waxay intaas ku darayaan in labo ka mid ah Ragga af-duubayaasha ah iyo gaari yar oo ay wateen ay qabteen Ciidamada Puntland, halka raggii kale ee af-duubayaasha ahaa iyo weliba labadii gabdhood ee ay heysteen lagu hareereysan yahay.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in uu jiro dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah raggii af-duubayaasha ahaa, kuwaasi oo qaarkood gacanta lagu dhigay.
Wasiirka Dekedaha Maamulka Puntland Axmed Siciid Aw-nuur oo goor dhaweyd qabtay shir saxaafadeed uu kaga hadlay arrimaha af-duubka shaqaalaha u shaqeynayay hay’adda MSF-Spain ayaa wuxuu sheegay in maamulka Puntland uu tallaabo ka qaadayo kooxaha falalka af-duubka ah ka geystay magaalada Boosaaso, wuxuuna intaas ku daray in aaney wax wada hadal ah la geli doonin kooxaha af-duubayaasha ah oo markaasina ay awood isticmaali doonaan.
Sidoo kalena, madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo arrinta af-duubka ay wax ka weydiisay Idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in ragga af-duubka ka geysanaya deegaanada Puntland laga soo diray meelo kale oo uusan sheegin, wuxuuna caddeeyay in ay raggaas gacan bir ah ku qaban doonaan, isla markaana aysan yeeli doonin in deegaanada Puntland ay noqdaan kuwo aan nabadgelyadooda la isku haleyn karin.
Labada Hablood ee saaka lagu af-duubtay Magaalada Boosaaso oo lagu kala magacaabo Pillar iyo Marcediz, isla markaana u kala dhashay dalalka Argentina iyo Spain ayaa xiligii la af-duubanayay waxay ku sii jeedeen xero caruurta lagu quudiyo oo ku taala Xaafadda Raf iyo Raaxo ee bariga magaalada Boosaaso, wuxuuna afduubkoodan ku soo beegmayaa iyadoo maalin ka hor gacanta kooxo af-duubayaal ah laga soo daayay Wariye Gwen Le Gouil oo u dhashay dalka Faransiiska, kaasi oo markii la af-duubanayay doonayay in uu ka soo waramo sida Xeebaha ay uga baxaan dadka u tahriiba Dalka Yemen.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxay u muuqataa mid aaney ku nabadgeleynin shaqaalah Ajnabiga ah, waxaana ka dilaacay Kooxo Burcad ah oo qafaasha dadka Ajaaniibta ah, iyadoo mar sii horeysayna ay rag hubeysan af-duubteen diyaarad qaad geystay garoonka Boosaaso, inkastoo la sheegay in raggaas ay xurguf kala dhaxeysay ganacsato qaadka ka baayac-mushtarta oo diyaaraddaas soo kireysatay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia