Arbaco, December 26, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu guddoomiyihii seddexaad u magacaabay Degmada Howl-Wadaag ee gobolka Banaadir kadib markii la dilay labo guddoomiye degmo oo horay degmadaas loogu magacaabay.
Wareegto ka soo baxday maamulka Gobolka Banaadir oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa lagu sheegay in Cusmaan Maxamed Cosoble loo magacaabay xilka Guddoomiyenimada Degmada Howl-Wadaag.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali oo wareegtadaas saxaafadda u aqriyay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka uu magacaabistaas sameeyay kadib markii uu eegay baahida guddoomiye ee ka taagan Degmada Howl-Wadaag iyo markii uu la tashaday Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Nabadgelyada Gobolka Banaadir.
“Mas’uulka loo magacaabay xilka Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir waxaa la faray in uu xilkiisa ka soo dhalaalo, sidoo kalena mas’uuliyiinta ay shaqada kala dhaxeyso ayaa iyana la faray in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Degmada Howl-Wadaag”ayuu yiri Maxamed Muxyaddiin Cali Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.
Waxaa horay loo dilay labo guddoomiye degmo oo loo magacaabay Degmada Howl-Wadaag tan iyo markii la sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir ee uu guddoomiyaha ka yahay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), iyadoo sidoo kalena la dilay guddoomiyayaal degmo oo kale oo aad u tiro badan, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen seddex guddoomiye oo laga dilay degmada Yaaqshiid, labo guddoomiye oo laga dilay Degmada Huriwaa iyo Guddoomiyihii Degmada Shibis.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia