14.3 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo maanta howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 26, 2007(HOL): Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa saaka waxay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in howlgallada ay Ciidamadaas sameeyeen ay ahaayeen kuwo ammaanka lagu sugayay.
 
Xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley, gaar ahaan qeybaha Waqooyiga ka xiga Wadada Wadnaha, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Aadan Cadde iyo Folorenza ayaa saaka lagu arkayay Ciidamo tiro badan oo xaafadaha dhex wareegayay, isla markaana dadka ku amrayay in aysan guryahooda ka soo bixin.

Lama sheegin ilaa iyo haatan hub iyo cid ay Ciidamada howlgalladaas ku qabqabteen, marka laga reebo in ay qadar daqiiqado ah ah ku sugnaayeen Xaafadaha ay ka howlgelayeen ee Degmada Wardhiigley.

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo tegay agagaarka  Hotelkii Daamey ayaa intii ay howlgalladaas socdeen waxay dhaawaceen nin rayid ah oo sida la sheegay cararay mar ay Ciidamada Dadka ku amrayeen in ay joogsadaan oo la baaro.

Ninka ay Ciidamada dhaawaceen ayaa waxaa uu ka dhaawacmay labada lugood, wuxuuna muddo 20 daqiiqo ah yaalay halkii lagu dhaawacay, inkastoo mar dambe oo ay ciidamadii halkaas ka tageen ay dadka deegaanka u qaadeen dhinaca Isbitaallada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan waxay xaafadda Geed Jaceyl ka geystaan falal dhac iyo handadaad isugu jira, waxayna dhacaas sameeyaan subaxda hore oo ay dad badan oo ka ganacsada Suuqa Bakaaraha ay ku dheelmadaan Waddo jid-carri ah oo dhanka waqooyi ka marta Wadada Wadnaha iyo Galabtii marka ay dadkaas Suuqa ka soo baxayaan oo ay guryahooda u hoyanayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).