Talaado, December 25, 2007(HOL): Iska hor-imaad xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha, iyadoo Iska hor-imaadkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisin ku leh Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.
Iska hor-imaadka labada dhinac dhexmaray ayaa wuxuu yimid kadib markii bambooyinka gacanta lagu tuuro lagu weeraray ciidamada oo howlgallo ka sameynayay inta u dhaxeysa Xarunta Wasaaraddii Taraqa iyo Sigaarka iyo Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium.
Marka laga soo tago khasaare ay isu geysteen labadii dhinac ee dagaalamay oo aan la ogeyn inta uu la egyahay hadana waxaa iska hor-imaadkaas ku dhaawacantay Haweeney ay rasaas habow ah ugu tagtay gurigeeda, taasi oo loola cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Warar kale ayaa waxay iyana sheegayaan in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo baxay Xeradii Guul-Wadayaasha uu iyana dagaal aan waqti badan socon uu dhexmaray kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo ciidamadaasna la sheegay in xiliga la weerarayay ay doonayeen in ay howlgallo sameeyaan.
Shalay ayay ahayd markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku lahaa Xaafadda African Village ee Degmada Hodan ay qeybo ka tirsan galbeedka Suuqa Bakaaraha ku dagaalameen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo iska hor-imaadkaasna uu sababay dhimashada seddex ruux oo isugu jiray labo ka tirsan ciidamada dowladda iyo mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo sidoo kalena uu dagaalkaas dhaawac ka soo gaaray dad rayid ah oo aan dagaalka wax lug ah ku lahayn.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, iska hor-imaadyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda ayaa waxay yihiin kuwo aan dhamaad lahayn oo marba marka ka dambeysa sii kordhaya, iyadoo Dowladda Federaalka mas’uuliyiinteedana ay sheegaan marka dagaallada dhacaya wax laga weydiiyo in aysan jirin dagaallo macno leh oo la sheego, sida uu dhawaan sheegay oo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia