Talaado, December 25, 2007(HOL): Waxaa saaka isku rasaaseeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ciidamo kala taabacsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Gobolka Banaadir, kuwaasi oo is-rasaaseynta dhexmartay uu ku dhaawacmay Nin rayid ah oo doonayay in uu raaco gaari u socday Gobollada Dhexe.
Is-rasaaseynta labada Ciidan dhexmartay ayaa waxay timid kadib markii Ciidamo ka amar qaata maamulka gobolka Shabelaha Hoose oo ku mashquulsanaa howl ay ku baneynayeen hareeraha Wadada Laamiga ah ee dhexmarta Deegaanka Ceelasha ay ka soo dul-dhaceen Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo sida la sheegay furay rasaas ay wadada ku baneysanayeen, taasi oo ay Ciidamadii joogay Deegaanka Ceelashada biyaha ay uga jawaabeen rasaas kale.
Goob-jooge ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa u sheegay HOL in is-rasaaseynta dhexmartay labada ciidan oo socotay qadar daqiiqado ah ay hakad gelisay Dhaqdhaqaaqa Dadka iyo ganacsigii ka jiray Deegaanka Ceelashada Biyaha, inkastoo daqiiqado kadib ay xaaladda degtay, isla markaana ay ciidamadii gobolka Banaadir ay sii wateen socodkoodii Muqdisho.
Mar sii horeysay ayay ahayd markii gaadiid tikniko ah oo galbinayay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo ka yimid dhinaca magaalada Baydbabo qarax lagula beegsaday deegaanka Ceelasha Biyaha, inkastoo uusan qaraxaasi sababin wax khasaare ah.
Deegaanka Ceelasha biyaha oo ku yaala inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa u qaxay dad badan oo ka cararay dhibaatooyinka nabadgelyo darro ee ka jira magaalada Muqdisho, waxaana deegaankaas uu noqday mid aad u camiran oo ay dad badan ku sugan yihiin, iyadoo jiraan goobo ganacsi oo laga furay wadada dhinacyadeeda, kuwaasi oo ay ganacsigooda u rarteen ganacsato badan oo reer Muqdisho ahaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia