Isniin, December 24, 2007(HOL): Qeybtii labaad ee Ciidamo ka socda Dowladda Burundi ayaa maanta waxay soo gaareen Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiil ka socday Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamadan oo tiradooda gaareyso 100 Askari ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho geysay Diyaarad ay leedahay Dowladda Uganda oo ay ku qorneyd Uganda Air Cargo, taasi oo sidoo kale waday qalabkii ay Ciidamadaas lahaayeen.
Sarkaal u hadlay Ciidamada AMISOM oo lagu magacaabo Levi Karuhanga ayaa sheegay in Ciidamada Burundi ee Muqdisho soo gaaray ay yihiin kuwo ka qeyb qaadan doona howlgallada nabad ilaalinta ah ee ay Ciidamada AMISOM ka wadaan magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay Dowladaha Afrika ee Ciidamada ballanqaaday in ay iyana Ciidamadooda u soo diraan Soomaaliya.
Ciidamada maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu biiriyay Ciidamo kale oo 100 Askari gaaraya, kuwaasi oo maalintii shalay ahayd Muqdisho gaaray, waxayna Ciidamadan fariisin ka sameysteen Xarunta Dugsigii Tababarka Xalane oo ay qeyb ka mid ah horay u deganaayeen Ciidamada Uganda ee horay u sii joogay Magaalada Muqdisho.
Dowladda Burundi ayaa in muddo ah waxaa laga dhowrayay Ciidamo ay ku ballanqaaday in ay Soomaaliya u direyso, waxaana tan iyo xiligaas dib u dhigayay Ciidamada ay Soomaaliya u soo direyso dhaqaale ka heysatay dhinaca daad-gureynta Ciidamada.
Ciidamo uu Midowga Afrika ugu talagalay in ay nabadgelyo ku soo celiyaan Soomaaliya oo tiradooda gaareyso 8,000 oo Askari ayaa haddii ay soo dhameystirmaan waxay meesha ka saarayaan Ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo joogitaankooda uu cirka ku sii shareerayo khilaafaadka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia