13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Yemen oo ka wada hadlay Xaaladda Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 24, 2007(HOL): Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA waxaa qadka Taleefoonka ku wada hadlay Madaxweynayaasha Dalalka Soomaaliya iyo Yemen ee kala ah C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Cali Cabdalla Saalax, iyadoo ay ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.
 
Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayay Wakaaladda SABA qortay in uu Taleefoon kula soo xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo haatan ku sugan Dalka Ingiriiska, iyadoo ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdalla Saalax ayaa intaas kadib wuxuu u xaqiijiyay madaxweynaha Soomaaliya in aysan waxba iska bedelin mowqifkiisa ku aadan taageeridda iyo nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Intiii uu socday wada hadalka qadka taleefoonka ku dhexmaray labada madaxweyne waxay is-dhaafsadeen hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidda Carafo, iyadoo Madaxweynaha Yemen uu u rajeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Caafimaad iyo farxad,  isagoo dadka Soomaaliyeedna uu u  rajeeyay nabadgelyo iyo Mustaqbal horumar leh.

Dowladda Yemen ayaa waxay ka mid tahay Dowladaha sida weyn u taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna ka mid ah Dowlado faro ku tiris ah oo dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ka furtay Safaarad, taasi oo uu u fadhiyo Danjire lagu magacaabo Axmed Xamiid Cumar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).