13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Xildhibaannada Beelaha Hawiye ka codsaday in ay gacan ku siiyaan sidii loo nabadeyn lahaa Caasimadda Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 24, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo beryahanba kulamo wada-tashiyo ah la lahaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Beelaha Soomaaliyeed ayaa shalay wuxuu kulan la qaatay Xildhibaannada ka soo jeeday beesha Hawiye, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Xukuumadda uu soo dhisayo iyo weliba sida aan looga maarmin in Xildhibaannada Hawiye ay gacan ka geystaan sidii loo nabadeyn lahaa Caasimadda Mqudisho.
 
Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud Seeraar oo kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha uu u soo jeediyay codsi ah in ay gacan ku siiyaan sidii loo nabadeyn lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo haatan ah meesha ah ugu nabadgelyada xun Soomaaliya, isla markaana wada hadallo loola geli lahaa dhinacyada dagaallada ka wada magaalada Muqdisho.

“Marka hore codsiga uu noo soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha waan qaadanay, xukuumadda tirada yar ee uu soo dhisayana waan soo dhaweynay, balse waxaan u sheegnay in uu la yimaado qorshe aan ku taageerno oo lagu nabadeynayo Caasimadda Muqdisho:”ayuu yiri Xildhibaan Seeraar.

Xildhibaal Seeraar waxaa kale oo uu sheegay in ay Ra’iisal Wasaaraha kula taliyeen in uu la yimaado qorshe aan dagaal ahayn, isla markaana ay Xukuumaddiisa noqoto mid iyadoo aan kala sooc-soocin meel isugu keenta dhinacyda ka soo horjeeda, taasi oo uu Ra’iisal Wasaarahana ka aqbalay.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii loo magacaabay xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya waxaa uu sheegay in Xukuumaddiisa ay wada hadallo la geli doonto Mucaaradka ka soo horjeeda meel kasta oo ay ku sugan yihiin, isagoo sheegay in uu diyaar u yahay in la iska qanciyo waxyaabaha la isku hayo.

Laakin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gudaha iyo dibadda dalka ayaa waxay sheegayaan in aysan dhici karin wax wada hadallo ah iyadoo ay dalka Soomaaliya ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde soo dhiso Xukuumad ka kooban 18 Wasiir, taasi oo ay Beelaha Soomaaliyeed ku qeybsan doonaan qaabka 4.5 iyadoo afarta beelood ee la sheego in ay waa weyn yihiin ay qaadan doonaan min 4 Wasiir, halka beesha barka laga dhigayna loo qoondeeyay labo Wasiir, laakin inta uusanba Ra’iisal Wasaaraha Xukuumaddaas ku dhawaaqin ayaa waxaa taagan su’aal sida ay Xukuumaddaas tirada yar ugu qanci karaan beelo ay deeqi weysay Xukuumad tiro badneyd oo xubnaheeda ay kor u dhaafayeen 100.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xukuumaddan tirada yar ee uu soo magacaabayo Ra’iisal Wasaare Nuur ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay ku timid cadaadis ka ymid Beesha Caalamka oo sheegtay in aysan wax badan kala duwaneyn Xukuumad 73 Wasiir ka kooban oo uu soo dhisay iyo tii uu hoggaanka u hayay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).