13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Ciidamadii ugu horeeyay oo Burundi ka socda oo Maanta Muqdisho gaaray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 13, 2007(HOL): Ciidamadii ugu horeeyay oo ka socda Dowladda Burundi ayaa goor dhaweyd waxay ka degeen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee maagaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay  in 100 Askari oo ka tirsan Ciidamo ay Burundi u soo waddo Soomaaliya oo tiradooda guud ay dhan tahay 1,700 Askari  ay maanta ka soo degeen Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka qeyb ka noqon doonaan howlgallada nabad ilaalinta ah ee ay Ciidamada Midowga Afrika ka fulinayaan Soomaaliya.

Diyaarad u kireysneyd Midowga Afrika ayaa dhawaan waxay geystay Magaalada Muqdisho qalab ay wada leeyihiin Ciidamada Uganda iyo kuwa Burundi ee magaca AMISOM uga howlgeli doona Magaalada Muqdisho oo ah meel ay ku dagaalamaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Horay waxaa magaalada Muqdisho u joogay Ciidamo ka socda Dowladda Uganda oo magaca AMISOM uga howgelaya Soomaaliya, kuwaasi oo howsha ay qabanayaan ay ku kooban tahay in ay ilaaliyaan  Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo weliba Isgoyska KM4 oo muhiim u ah isu socodka mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Burundi ayaa in muddo ah waxaa laga dhowrayay Ciidamo ay ku ballanqaaday in ay Soomaaliya u direyso, waxaana tan iyo xiligaas dib u dhigayay Ciidamada ay Soomaaliya u soo direyso dhaqaale la’aan  ka heysatay dhinaca daad-gureynta Ciidamada.

Ciidamo uu Midowga Afrika ugu talagalay in ay nabadgelyo ku soo celiyaan Soomaaliya oo tiradooda gaareyso 8,000 oo Askari ayaa haddii la helo oo ay soo dhameystirmaan waxay meesha ka saarayaan Ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo joogitaankooda uu cirka ku sii shareerayo xal u helidda khilaafaadka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).