Axad, December 13, 2007(HOL): Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo ka mid ahaa Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee lagu aas-aasay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga baxay Isbaheysigaas, isla markaana uu ku biiray Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee dagaallada ka wada magaalada Muqdisho.
Macallin Xaashi waxaa uu sheegay in uu go’aankaas qaatay kadib markii uu arkay in uu Isbaheysigaas aaminsan yahay mabaadii’da iyo sharciyada Qaramamada Midoobay, isagoo caddeeyay in uu in muddo ah fikir qaldan soo aaminsanaa, haatanna uu ka baxay, “Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo aan ka mid ahaa wuxuu ku socdaa waddo aan toosneyn, sidaas darteed ayaana uga baxay”ayuu yiri Macallin Xaashi oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uulkan oo ka tirsanaan jiray maxkamadihii Islaamka waxaa uu iska diiday in uu Isbaheysigaas ka baxay kadib markii uu danahiisa ka waayay Isbaheysiga, wuxuuna sheegay in uusan markii horeba xil ka dooneynin Isbaheysigaas balse sababta uu ugu biiray ay ahayd in sidii Dalka Soomaaliya loo xoreyn lahaa.
Macallin Xaashi Maxamed Faarax waxaa uu sheegay in uu sii wadi doono dagaalkii uu kala soo horjeeday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, wuxuuna sheegay in uu horay u hoggaamin jiray koox ka mid ah 12 kooxood oo Muqdisho kula dagaalamaya Ciidamada Itoobiya, haatanna uu ku biiray Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Waa mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsanaa Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo shaaciyay in uu Isbaheysigaas isaga baxay tan iyo markii dhawaan lagu aas-aasay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, waxaana xusid mudan in Isbaheysigaas ay wada dhisteen Maxkamadihii Islaamka, Xubno ka socday Bulshada Rayidka iyo Xubno ka socday Qurbo-joogta Soomaaliyeed, iyadoo ujeedada loo unkayna lagu sheegay in Ciidamada Itoobiya laga xoreeyo dalka Soomaaliya
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia