13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo kala sheegtay guulo ay ka gaareen Dagaalkii xalay Muqdisho ka dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 13, 2007(HOL): Sidii badan la socdeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya xalay waxaa ka dhacay Dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxayna haatan dhinacyadii uu dagaalkaas u dhaxeeyay ay kala sheeganayaan  guulo ay dagaalkaas ka gaareen.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali oo saxafiyiinta kula hadlay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa mid u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helayay Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, wuxuuna sheegay in dagaalkaas uu khasaare ka soo gaaray kooxihii weerarka ku soo qaaday fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maxamed Muxyaddiin Cali waxaa uu  sheegay in cashar lama iloobaan ah loo dhigay kooxihii soo weeraray fariisimada Ciidamdaa Dowladda iyo kuwa Itoobiya, wuxuuna sheegay in kooxihii weerarka ku soo qaaday qaarkood la dilay, qaarkoodna la dhaawacay, halka kuwo kalena uu sheegay in ay ku raad-joogaan Ciidamada Amniga iyo kuwa  Sir-doonka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali waxaa uu intaas ku daray in khasaarihii dadka rayidka ahaa ka soo gaaray dagaalkaas ay mas’uul ka yihiin kooxihi weerarka ku soo qaaday fariisimada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Dhinaca kalena, Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo maanta shaaciyay in uu ku biiray Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarro xalay lagu qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay iyagu ka dambeeyeen, wuxuuna caddeeyay in dagaalkaas ay khasaare ugu geysteen Ciidamadii Dowladda iyo kuwii Itoobiya ee ka soo horjeeday.

Macallin Xaashi waxaa uu intaas ku daray in dagaalkii xalay uu qeyb ka ahaa dagaallo ay uga soo horjeedaan joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo Siyaasadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku maamuleyso Dalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in ay dagaalka sii wadayaan ilaa iyo inta ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, hadallada iska soo horjeeda ee ay guulaha ku kala sheeganayaan dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo habeenkii xalay ahaa uu magaalada Muqdisho ka dhacay dagaal la isugu adeegsaday madaafiic culus, kaasi oo inta la xaqiijiyay geystay dhimashada shan ruux oo rayid ahaa iyo dhaawac intaas ka badan.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).