Axad, 23 December 2007 (HOL)- Urur siyaasadeedka sharciyadiisa muranku ka ooganyahay ee Qaran ayaa qoraal saxaafadda loogu talagalay oo ay shalay soo saareen waxa ay mar kale Madaxweyne Rayaale kaga codsadeen in la furro xafiiska diiwaangelinta Ururada siyaasada si ururaddu ay uga qaybgalaan doorashooyinka fooda inagu soo haya ee dawladdaha hoose.
Qoraalka uu soo saaray Urur siyaasadeedka Qaran oo uu ku saxeexnaa Gudoomiyaha Ururkaas Dr, Maxamed Cabdi Gaboose, waxa ay ku tilmaameen in Ururka Qaran xaqa uu baadi-doonka ugu jiro u marayo sharciga dalka, Islamarkaana waxa ay ka codsadeen Golayaasha sharci dejinta, Hay’addaha caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo dalalka deeq-da bixiya ee daneeya hana-qaadka dimuquraadiyadda inay sii labanlaabaan taageeradda dhaqan-gelinta qodobada dastuurka Somaliland.
Qoraalkaas oo dhamaystiranina waxa uu u qoraa sidan: “Ururka Qaran waxa ka go’an in la ilaaliyo nabadda, xasiloonida iyo sharciyada dalkeenan curdinka ah. Waxaana inala wada gudboon in aynu wada ilaalino nidaamka dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay, kaasoo aynu tixgelin kaga helay bulsho-waynta caalamka.
Distoorkeenuna waa heshiis ummadeed oo ka turjumaya jidka wada-tashiga iyo dimuqraadiyada ee aynu qaadanay, ku dhaqankiisuna waxa uu kalsooni gelinayaa bulshada reer Somaliland iyo dhamaan bulshowaynta caalamka ee jecel in nidaamkeena dimuqraadiyadeed si fiican u hana-qaado, qadarin, xishmayn iyo taageerana waa aynu ku helaynaa.
Ururka Qaran ilaa maalintii la aasaasay waxa uu la tashanayay aqoonyahan sharci-yaqaan ah, waxaana uu marayay jidka sharciyada.
Sida la wada ogyahayna waa kii Ururka Qareenada ee SOLA si cad u qeexay tubtii aanu qaadanay ee muranka dhalisay, caddeeyayna in ay furashada ururada siyaasadeed sharci tahay, isaga oo ururka Qareenadu sheegay in mar kasta oo la qabanayo doorashooyinka dawladaha hoose ay sharci tahay in ay ka qayb-qaataan ururada siyaasiga ahi (Sida ku cad xeerarka no. 14 iyo 20).
Waxaana xusid mudan jidka sharciyeed ee ururka Qaran uu maray. Waxaanu la xidhiidhnay Maxkamada Sare, shirgudoonada golayaasha sharci-dejinta, komishanka Qaranka, wasaarada arrimaha gudaha, laanta sirdoonka, annaga oo u tibaaxaynay jidka sharciyeed ee aanu marayno. Isla-mar ahaantaana ka raadinaynay iyaga xog wixii ay nagu kordhinayaan ee ku saabsan xagga sharciyada.
Waxaana cad oo ay dhamaan golayaasha sharci dejintu qirsan yihiin in xeerarka no. 14 iyo 20 ay yihiin qaar dhaqan-gal ah. Labadan xeerna waxa ay si marag-madoonta ah u qeexeen in dorashooyinka dawladaha hoose ay ka qaby-qaadanayaan asxaab iyo ururo.
Haddaba, Ururka Qaran waxa uu halkan ku ballan-qaadayaa in uu xaqiisa distooriga ah u marayo wadada sharciyada. Sidaa daraadeed, waxa aanu si xishmad leh uga codsanaynaa Madaxweynaha in la dhaqan-geliyo qodobka distooriga ah ee no. 23/2 iyo xeerarka no. 14 iyo 20, lana furo xafiiskii diiwaan-gelinta ururada siyaasiga ah, si ay ururada siyaasiga ahi isu diiwaan-geliyaan, ugana qayb-qaataan doorashooyinkan dawladaha hoose ee fooda inagu soo haya.
Waxa aanu iyana ka codsanaynaa golayaasha sharci-dejinta, hay’adaha caalamiga ah ee daneeya xuquuqda aadamaha, deeq bixiyeyaasha iyana danaynaya hana-qaadka dimuqraadiyada, in ay sii laban-laabaan taageeradii ay nagu siiyeen dhaqan-gelinta qodobadaa distooriga ah iyo kobcinta dimuqraadiyada. Isaga oo urur siyaasadeedka Qaran u hogaansan sharciyada iyo kala dambaynta, waxa uu iyagana ku boorinayaa saddexda gole qaran in distoorka dhexda inoo ah la dhaqan-geliyo, lana ogolaado in dalkeena uu ka dhaco tartarn doorasho oo xalaal ah oo ay ka qayb-qaataan ururo iyo axsaab sida shuruucda aynu dejisanay ay si cad u qeexday, taas oo dalkeena maamuus iyo taageero caalamiya ku helayo, xaqiijinaysana himilada umadda.”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland