13 C
London
Sunday, October 12, 2025

160 Oday Dhaqaameed oo go’aannno ka soo saaray shir nabadeed ay ku lahaayeen Gobolka Gedo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 23, 2007(HOL):  Kulan ay isugu yimaadeen 160-Oday dhaqameedyo oo ka kala socday dhamaan deegaanada uu ka kooban yahay gobolka Gedo laguna dhameynayay khilaafka iyo waxyaabaha ay kala tirsanayeen beelaha ku dhaqan deegaanadaas, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda CRD.

Madaxa Hay-ada CRD, ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo Mudane Faarax Cabdi Xasan oo gabagabadii kalankaas ka hadlay ayaa ku amaanay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka sida ay diyaarka ugu yihiin in ay dhameeyaan khilaafka u dhexeeya isla markaana uu ahaa kulankan kii ugu dambeeyey ee dhacay maalintii khamiista ahayd mid lagu soo afmeerey khilaafaadka iyo mad madowga in midowga iyo waxyaabihii ay kala tirsanayeen duqowda beelahaas lagu soo bandhigay intii kulanka uu socday.

Gabagabadii kulanka ayaa la isku raacay la isku racay Go’aano oo ay Odayaashu qalinka ku duugeen kuwaasoo ka kooban 3-qodob oo kala ah:-

1-Inay isa saamaxaan dadka walaalaha ee ku dhaqan deegaanada Gobolka Gedo oo kala tirsanaayay eedaha.

2-In la sameeyo xeer-hoosaad lagu dhaqmo isla markaana lagu xaliyo is afgaranwaa kasta oo yimaada.

3-In nabad iyo darisnimo wanaag kuwada noolaadaan dhamaan beelaha degan Gobolka, isla markaana gudi ka kooban Odayaal dhaqameedyo look ala diro deegaanada si ugu faafiiyaan bulshada inteeda kale go’aanadaas nabadeed ee ka soo baxay shirweynahaas nabadeed.

Ismaaciil Xasan Ibraahim
smaelfarhan@yahoo.com
Baydhabo, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).