13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay Ammaanka Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 23, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ah ee Idaacadda BBC ayaa sheegay in qorshe nabadgelyo ah loo sameeyay magaalada Muqdisho, isla markaana wixii galbeedka ka xiga Wadada Warshadaha loo dhaafay Ciidamada Mileteriga Dowladda iyo kuwa Itoobiya, wixii dhanka Koofureed ka xigana loo daayay Ciidamada Booliska Soomaaliya.
 
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay dhawaan soo bandhigi doonaan waxqabadkii maamulka Gobolka Banaadir ee lixdii bilood ee la soo dhaafay, kaasi oo lagu soo bandhigi doono hub tiro badan oo isugu jira mid yar yar iyo mid waa weyn, kaasi oo laga soo qabtay xaafadaha Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  waxaa uu sheegay in xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ay degan tahay isla markaana aan dagaal xalay ka dhacay la isugu adeegsan hub culus, “Waxaa dhacaya rasaas ka dhaceysa qoryaha yar yar iyo mid meel dheer laga soo tuuraya oo ka soo dhaceysa qoriga BKM, kuwa rasaastaas soo ridayana waxay doonayaan in ay Idaacadaha ka sheegaan in ay joogaan”ayuu yiri Maxamed Dheere.

Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dhawaan la bilaabi doono isku xir u dhaxeeya Booliska iyo Dadweynaha, isla markaana la sameyn doono Isgaarsiin ay dadka soo wici karaan marka ay arkaan dad doonaya in ay dhibaato u geystaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay si dhaqsi ah u soo bandhigayaan qorshaha arrintaas.

Mar la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd sababta sharciga loo hor-keeni la’ yahay rag ka tirsanaa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo kala ah Axmed Diiriye Cali iyo C/llaahi Dheere waxaa uu ku jawaabay Maxamed Dheere in arrinta raggaas ay u taalo Garsoorka, wuxuuna caddeeyay in hay’adaha garsoorka ay u sheegeen in ay doonayaan in ay marka hore soo qabtaan raggii golahaas ka tirsanaa oo uu sheegay in tiradooda boqol ruux gaareyso.

Ugu dambeyntiina, Inkastoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu sheegayo in uusan xalay ka dhicin magaalada Muqdisho dagaal madaafiic waa weyn la isugu adeegsaday oo khasaare geystay, hadana waxaa dagaalkii xalay uu ahaa mid madaafiicda la isugu adeegsanayay laga maqlayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo khasaaraha uu geystayna ilaa iyo haatan la xaqiijiyay 5 dhimasho ah iyo dhaawac intaas ka badan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).