13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Banaanbax lagu taageerayay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhacay magaalada London

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 23, 2007(HOL):  Banaanbax lagu taageerayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxaa uu ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo Dadka Banaanbaxaas dhigayna ay ahaayeen Dad taageersan Siyaasadda Dowaldda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
 
Banaanbaxan ayaa dadkii ka qeybgalay waxay ku qeylinayeen halku dhigyo ay ku taageerayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo marka ay daalaana ku nasanayay Heesta Caanka ah ee Soomaaliyeey Toos.

Dadkii ka qeybgalay Banaanbaxaas waxaa ka mid ahaa Taliyihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. C/llaahi Cali Cumar (Ina Libaax San-ka-taabte), kaasi oo u qudbeeyay dadkii banaanbaxa isugu yimid.

Jen. Ina Libaax San-ka-taabte waxaa uu ka hadlay ujeeddooyinka Dowladda Federaalka ay leedahay, wuxuuna sheegay in ay Dowladda dooneyso in ay dalka oo dhan ku faafto, isla markaana ay amnigii iyo kala dambeyntii ay soo celiso.

Janaraalka mar uu beeniyay eedo loo jeediyay Dowladda Itoobiya oo ku saabsan in ay dooneyso in ay dalka Soomaaliya qabsato, wuxuuna sheegay in ay wararkaas yihiin kuwo ay baahiyaan dad sida uu yiri aan dooneynin in ay Soomaaliya nabad ka dhalato.

“Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan waxay ku yimaadeen ogolaashaha Golaha Wasiirrada iyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, marka ay Soomaaliya amni ku soo celiyaana waa ay baxayaan”ayuu yiri Jen. C/llaahi Cali Cumar oo sheegay in haddii ay Itoobiya dooneyso in ay Soomaaliya qabsato ay qabsan lahayd xiligii uu dalka dowlad la’aanta ahaa.

Sidoo kalena, C/qaadir Cabdulle Xooshow oo ka mid ah qabanqaabiyayaashii banaanbaxaas ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in markii uu banaanbaxaas soo gebageboobay ay qoraal u gudbiyeen dowladda Ingiriiska, kaasi oo ay uga dalbanayeen in ay Dowladda Ingiriiska qeyb ka qaadato sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa iyo in ay gacan ka geysato maalgelinta wadamada Afrika ee sugaya ammaanka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay C/qaadir Xooshow in ay Dowladda Ingiriiska ka guddoontay qoraalka ay codsigaas ku gudbinayeen.
 
Banaanbaxa lagu taageerayay Dowladda Federaalka ee ka dhacay Magaalada London oo ku soo gebageboobay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska hortiisa ayaa waxaa uu ka gedisnaa banaanbaxyo halkaas lagu qaban jiray oo looga soo horjeeday siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, banaanbaxa lagu taageerayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maalmahan ku jiray Isbitaalka Cromwell uu Isbitaalkii ka baxay, isla markaana uu ku sugnaa guri ku yaala galbeedka magaalada London oo uu howlahiisa caadiga ah ku watay, waa sida aan ka soo xiganay dad madaxweynaha aad ugu dhow dhow.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).