13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 23, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dagaal kii ugu xoogganaa oo ay isaga hor-yimaadaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Ilaa shan ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen dagaalkii xalay Muqdisho ka dhacay, iyadoo ay jiraan dad kale oo ay iyana dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo dhamaantood ay guryahooda ugu tagtay rasaas yar yar iyo mid waa weyn oo ay isu adeegsanayeen dhinacyadii dagaalamayay.

Shanta Ruux ee geeriyootay ayaa afar ka mid ah waxay ku geeriyoodeen xaafado ka tirsan Deegaanka Juungal ee Degmada Yaaqshiid, halka Ruux kalena uu madfac habow ah ku dilay deegaanka Godey ee Suuqa Xoolaha.

Dagaalka ka dhacay Magaalada Muqdisho oo socday muddo saacad ah ayaa wuxuu ka dhacay Wadada Warshadaha, gaar ahaan nawaaxiga Ceymiska, Warshaddii Baastada iyo Warshaddii Xeyla Bariise, waxaana intii uu socday la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jireen madaafiic waa weyn oo dhawaqooda laga maqlayay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho  ayaa wuxuu qeyb ka yahay dagaallo inta badan xiliyada habeenkii ka dhaca magaalada Muqdisho oo lagu qaado fariisimada ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo dagaalkii xalayna uu ku soo beegmay iyadoo habeen hore madaafiic lagu tuuray xaruntii Saraakiisha Shiirkole, Guul-Wadayaasha iyo Xaruntii Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Itoobiyaan ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, muddo sanad ah ayaa ku buuxsantay markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen Caasimadda Muqdisho, iyadoo tan iyo xligaasna ay ka dhacayeen iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).