13 C
London
Sunday, October 12, 2025

Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka oo maalintii 22aad ku jira Xabsi ay maamusho Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 22, 2007(HOL):  Waxaa maalintii 22aad  ku jira  Xabsi ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee magaalada Muqdisho Yuusuf Shiikh Maxamed Barrow, kaasi oo ay xireen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa isagoo ku soo jeeday Xarunta Idaacadda waxaa laga qabtay agagaaraha Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid, iyadoo kadibna loo gudbiyay Xabsiga Xarunta Baarista Xisbiga.

Xariga Agaasimaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka (IQK) waxaa si weyn walaac uga muujiyay Hay’adaha Warbaahinta iyo kuwa u dooda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in si shuruud la’aan ah u sii deyso Yuusuf Shiikh Maxamed Barrow oo isagoo aan wax dembi ah lagu helin xabsi ku jira.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay soo gaareen Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxaa soo badanayay tacaddiyo loo geysanayo Wariyayaasha iyo mas’uuliyiinta Idaacadaha Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood la xiray, la jird-ilay, isla markaana la handaday, iyadoo ay xusid mudan tahay in sanadkan 2007 lagu dilay Soomaaliya ilaa 8 Suxufi oo isugu jiray Wariyayaal iyo madax Idaacadeed.

Dhanka kalena, 14 ka mid ah Suxufiyiin ka cararay dhibaatooyinka Magaalada Muqdisho, isla markaana gaaray  Magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Somaliland ayaa shalay halkaas ka amba baxaan kadib markii uu maamulka Somaliland amar ku siiyay in ay isaga baxaan Somaliland, waxayna wariyayaashaas aadeen dalka Jabuuti.

Wariyayaashan ayaa waxay sheegeen in ay Dowladda Jabuuti u dirsadeen codsi ah in ay ku noolaadaan Dalka Jabuuti, iyadoo codsigaasna ay Dowladda Jabuuti aqbashay, waa sida Wariyayaashan sheegeene.

Tan iyo markii ay ka sii dartay xaaladda nabadgelyo ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Muqdisho isaga cararay Wariyayaal badan oo u shaqeynayay Idaacadaha Muqdisho, iyadoo Wariyayaashaas ay ku jiraan kuwo xarig iyo jir-dil ay u geysteen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adaha u dooda Xuquuqada Aadanaha iyo Suxufiyiinta ayaa warbixinno ay soo saareen waxay ku sheegeen in sanadkan sii dhamaanaya ee 2007 Soomaaliya lagu dilay ilaa 8 Wariye oo ay ku jireen madaxda Idaacado Muqdisho ku yaala oo kala ah Horn Afrik, Capital Voice iyo Shabeelle, iyadoo taasina la rumeysan yahay in ay keentay in ay wariyayaal badan dalka ka cararaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).