Sabti, December 22, 2007(HOL): Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo dagaallo kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ee Mudqisho ku sugan ayaa waxay sheegeen in ay magacawdeen Hoggaan cusub, kaasi oo lagu magacaabo Shiikh Mukhtaar C/raxmaan Abu-Zubeyr.
Warkaan oo aan ka soo xigannay Bogga Almujaahid oo inta badan laga dheehdo Wararka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in hoggaamiyahan cusub uu yahay aas-aasihii dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee ka howgala gudaha Soomaaliya.
Sida ku xusan Bogga Almujaahid Hoggaamiyahan ayaa waxaa ku dhawaaqiddiisa lagu soo beegay munaasabadda Ciidda Carafo iyo weliba sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii Ciidamada Itoobiyaanka ay soo galeen Dalka Soomaaliya, isla markaana ay mudadaas sanadka ah dagaallo u dhaxeeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda oo ay ku jiraan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii isla Boggan Almujaahid lagu baahiyay in Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur loo doortay Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kaasi oo la shaaciyay in lagala xiriiri karo wixii war ah ee ku saabsan Al-Shabaab.
Isha Warka: almujaahid.com