13.2 C
London
Monday, October 13, 2025

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Xaruntii Villa Baydhabo oo sheegay in qaab Qabiil loo faquuqay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 22, 2007(HOL): Ciidamo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku lahaa Xarunta Villa Baydhabo ayaa saaka xaruntaas laga saaray, iyadoo saraakiil ciidamadaas u hadlayna ay sheegeen in qaab qabiil halkaas looga saaray oo la faquuqay.

Captain Maxamuud Xuseen Axmed oo ka mid ah Ciidamada halkaas laga soo saaray ayaa sheegay in iyagoo awalba xeradaas ku jiray muddo sanad ah, isla markaana aan helin xuquuqdii ay lahaayeen, hadana loogu daray in xeradii ay ku jireen laga saaro, iyadoo qaab qabiil loo faquuqayo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annagoo in muddo ah halkaas ku jirnay oo aan ku heysan wax mushaar iyo gunno ah ayaa nin la yiraahdo Saalax Liif wuxuu nagu amray in aan Xarunta Villa Baydhabo ka baxno, wuxuuna si toos ah noo yiri Hawiye ayaad u badan tihiin ee xerada ka baxa”ayuu yiri Captain Maxamuud Xuseen Axmed.

Ciidamadan oo tiradooda gaareyso 270 Askari ayaa sheegay in ay ka tirsan yihiin Guutada 84aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna  sheegeen in ay ka xun yihiin qaabka loola macaamilay oo sida ay yiraahdeen aysan u qalmin.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Sarkaalka lagu eedeynayo in uu Ciidamadaas qaab Qabiil uga saaray Xarunta Villa Baydhabo, marka laga reebo cabashada ka timid Ciidamadii Xaruntaas ku jiray.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Ciidamo tiro badan oo  isugu jira Milteri, Boolis iyo kuwo loogu yeero Ciidamada Dharka Cagaaran, kuwaasi oo aaney muuqan howl ay ka hayaan Magaalada Muqdisho, marka laga reebo in la soo dhoobo goobaha ay iska hor-imaadyo ka dhacaan, iyadoo dhinaca kalena la sheego in uusan jirin mushaar naf leh oo ay Ciidamadan qaataan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).