13.2 C
London
Monday, October 13, 2025

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in Rag Golahaas laga xiray lagu hayo jir-dil si War looga dhaliyo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 22, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa shaaca ka qaaday in Afhayeenno uu lahaa Golahaas oo ay xirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya haatan lagu bilaabay jir-dil iyo handadaad.

Guddoomiyaha Golahaas Maxamed Xasan Xaad oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in markii hore ay ka wel welsanaayeen halka ay ku sugan yihiin Axmed Diiriye Cali iyo C/llaahi Dheere oo kala ahaa Afhayeenkii dhaqanka iyo Afhayeenkii siyaasadda ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye balse haatan ay soo gaarayaan warar naxdin leh oo sheegaya in raggaas la jir-dilo si loogu qasbo in ay qirtaan wax aysan sameynin.

“Wararka aan helnay waxay sheegayaan in Raggan la jir-dilo oo laga diyaarinayo codad la doonayo in laga sii daayo Qalabka Warbaahinta”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo intaas ku daray in sidoo kale la doonayo in lagu qasbo in ay taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad waxaa uu intaas ku daray in ay sidoo kale jiraan hanjabaado dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo gaara rag Golahiisa ka tirsan oo uu xitaa isagu ka mid yahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in sababta loo daba-taagan yahay ay tahay in ay ka hadlaan tacaddiyada ay geystaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay horay u xireen Axmed Diiriye Cali iyo C/llaahi Dheere oo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ka kala ah Afhayeenka Dhaqanka iyo Afhayeeka Siyaasadda, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn meesha ay raggaas ku xiran yihiin iyo weliba sida xaalkoodu yahay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu sameysmay wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen dalka Soomaaliya, inkastoo mar dambe uu labo qeybood u kala jabay kadib markii Guddoomiyihii hore ee Golahaas Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llaahi Shiikh Xasan oo isna ahaa Afhayeenkii Siyaasadda Golahaas ay la heshiiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).