13.2 C
London
Monday, October 13, 2025

Garsoore ka tirsanaa Maxkamadda sare ee Dowladda Federaalka oo xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 22, 2007(HOL): Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa lagu dilay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay Shiikh Maxamuud Maxamed Axmed oo ka tirsanaa Garsoorayaasha Maxkamadda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa marxuumka waxay ku toogteen agagaarka Masjidka Carabta ee Magaalada Baydhabo, kadibna waa ay baxsadeen, sida ay wariyayaal ku sugan magaaladaas noo xaqiijiyeen.

Ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo ayaa dilkaas kadib waxay gaareen halka uu dilka ka dhacay, waxayna dadkii halkaas ku sugnaa ku amreen  in ay guryahooda galaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in marka uu dilkan dhacayay ay magaalada Baydhabo ku jirtay bandow.

Dilka marxuumka ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo habeenno sii horeeyay magaalada Baydhabo lagu dilay saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda magaalada Baydhabo, iyadoo ka sii horna ay jireen qaraxyo lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee halkaas ku sugan.

Taliyaha Booliska Qeybta Baydhabo Jen. Aadan Xaashi Gaabow ayaa sheegay in dilalka ka dhacaya magaalada Baydhabo ay yihiin mowjado nabadgelyo-darro ah oo uga yimid dhinaca Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay gacanta ku qaban doonaan ammaanka Baydhabo.

Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay  fariisin KMG ah u tahay Baarlamaanka Soomaaliya, inkastoo ay sidoo kale ku yaaliin fariisimo ay si KMG ah u degan yihiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaarihiisa cusub ee Nuur Cadde.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).