13.2 C
London
Monday, October 13, 2025

Golaha Ammaanka Midowga Afrika oo walaac ka muujiyay Xaaladda Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 22, 2007(HOL): Golaha Ammaanka Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyay Xaaladda uu haatan ku sugan yahay Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xaaladaha Nabadgelyo darro ee ka jira  ay yihiin kuwa ugu daran Qaaradda Afrika.
 
Qoraal ka soo baxay Golaha Ammaanka Midowga Afrika oo laga soo saaray Xaruntiisa Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in dhibaatada Soomaaliya lagu xalin karo dib u heshiisiin siyaasadeed oo ay ka qeybgalaan dhinacyada Soomaaliya isaga soo horjeeda, taasi oo haddii ay dhacdo uu Goluhu sheegay in uu soo af-jarayo khilaafka gacan ka hadalka gaaray ee ay ku barakaceen dadka ka badan Nus Malyuun Ruux tan iyo Bishii Febraayo ee sanadkan.

Hadal saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Ammaanka Midowga Afrika waxaa lagu dhaliilay beesha caalamka oo aan gacan ka geysan sidii wax looga qaban lahaa dagaallada ka dhacaya Soomaaliya ee u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Midowga Afrika  oo laga sugayay in uu ciidamo gaaraya 8,000 oo Askari  u diro Soomaaliya ayaan ilaa iyo haatan Ciidamadaas dirin marka laga reebo 1,600 Askari oo ay Dowladda Uganda u dirtay Soomaaliya, kuwaasi oo xitaa uu kooban yahay howlgallada ay ka sameeyaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Laakin Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicolas Bowakira oo dhawaan booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dalal ay ka mid yihiin Burundi, Ghana iyo Nigeria ay Soomaaliya Ciidamo u dirayaan, walow uu sheegay in ay Ciidamadaas qaarkood u baahan yihiin dhaqaalihii Soomaaliya lagu geyn lahaa.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Golaha Ammaanka Midowga Afrika ayaa la filayaa in bisha soo socota ee Janaayo uu shir ka yeesho Arrimaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciidamada Midowga Afrika ee haatan ka howlgelaya Muqdisho oo mudada joogitaankooda ay sii dhamaaneyso, iyadoo sidoo kalena uu Goluhu diyaarinayo qorshe ciidamo dheeraad ah loogu dirayo Soomaaliya, kaasi oo la horgeynayo Madax ka socota Dalalka Afrika oo iyana dhamaadka bisha Janaayo shir isugu imaanaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).