13.2 C
London
Monday, October 13, 2025

Weerarro xalay lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 22, 2007(HOL): Fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa xalay lagu weeraray magaalada Muqdisho, iyadoo weerarradaasina ay ahaayeen kuwo culus oo la isugu adeegsaday hub dhawaqiisa laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Xaruntii Saraakiisha Ciidamada ee Shiirkole, tii Guul-wadayaasha iyo Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ayaa xalay waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda siyaasadda Dowladda Federaalka iyo weliba joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo haatan lama oga khasaare ka dhashay weerarkaas iyo weliba weerar-celin ay sameeyeen Ciidamadii la weeraray, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aagagga lagu dagaalamay ay ahaayeen kuwo ay dadkii deganaa horay uga barakaceen.

Weerarka xalay lagu qaaday seddexdaas fariisn ayaa wuxuu qeyb ka yahay weerarro inta badan xiliyada habeenkii ka dhaca magaalada Muqdisho ee lagu qaado fariisimada ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo weerarkii xalayna uu ku soo beegmay xili habeennadii la soo dhaafay ay deganeyd magaalada Muqdisho.

Dhanka kalena, Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah ayaa saaka waxay isku fidiyeen wadada Balcad, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska SOS iyo Xeradii Maslax, iyadoo markii ay Ciidamada halkaas tageena ay carareen dad yar oo ku sugnaa Deegaanka Suuqa Xoolaha, kuwaasi oo ka baqay in ay Ciidamada Itoobiyaanka weerarro gaarsiiyaan.
 
Ugu dambeyntiina, Lama soo sheegin wax howlgallo ah oo ay Ciidamada Itoobiyaanka deegaannadaas ka sameeyeen marka laga reebo in ay tubnaayeen hareeraha Wadada dhexmarta Suuqa Xoolaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).