13.2 C
London
Monday, October 13, 2025

Sarkaal u hadlay Ciidamada Mareykanka ee jooga Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe oo sheegay in ay 200 oo burcad Badeed ah ay ku sugan yihiin Xeebaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 22, 2007(HOL): Sarkaalka Madaxda u ah Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe Admiral William Fallon ayaa sheegay in uu amar ku siiyay Ciidamada Badda ee jooga Xeebaha Soomaaliya in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha ku qafaasha Xeebaha Soomaaliya.
 
Admiral William Fallon oo wareysi siiyay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA-da ayaa sheegay in tan iyo markii ay howlgallada ka bilaabeen Xeebaha Soomaaliya ay yaraadeen Kooxihii Burcad Badeedka ahaa, wuxuuna intaas ku sii daray inay sii wadayaan howlgalladooda, ilaa laga weynayo Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka jira Xeebaha Soomaaliya.

Sarkaalkan wuxuu intaas ku daray in ay Ciidamada Badda Mareykanka dhawaan hareereeyeen Markab ay heysteen Kooxo Burcad Badeed ah, ugu dambeyntiina ay ku guuleysteen inay Markabkaas ka sii dayaan kooxihii heystay, isagoo intaasna ku daray in ay burburiyeen Doomo yar yar oo ay isticmaali jireen Kooxaha Burcad Badeedka ah.

Falalka dhaca ah ee ay geysanayaan Kooxaha Burcad Badeedka ah ayuu sheegay Admiral William Fallon in ay dhaawacayaan dhaqaalaha gobolka, waayo ayuu yiri Wadayaasha Maraakiibta iyo weliba Shirkadaha iska leh Maraakiibta ayaa waxay ka baqayaan in la dhaco Markabkooda, kadibna la warsado lacag madax furasho ah oo aad u tiro badan sida marar badan dhacday.

Saraakiisha hoggaamineysa Maraakiibta Dagaal ee haatan ilaalada ka heysta Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in Burcad Badeed gaareysa 200 oo ruux ay Xeebaha Soomaaliya ku sugan yihiin, kuwaasi oo Maraakiibta iyo Doomaha ay qabsadaan ka dhaca waxyaabaha saaran, kadibna madax furasho weydiista Shirkadaha leh Maraakibta ay qabsadaan, si ay u sii daayaan Gaadiidka ay qabsadeen iyo weliba shaqaalaha saaran.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhawaan ayaa waxaa xeebaha Soomaaliya soo gaaray Maraakiib ay leeyihiin Dowladaha Mareykanka, Faransiiska iyo Jarmalka, kuwaasi oo qaarkood ay ilaalinayaan maraakiibta gargaarka Bani’aadannimo u wada Soomaaliya, halka kuwa  kalena ay ilaalinayaan guud ahaan Xeebaha Soomaaliya, waxaana tan iyo markii ay Xeebaha Soomaaliya soo gaareen Maraakiibtan yaraaday qafaalashadii Maraakiibta iyo Doomaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).