13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dowladda Federaalka ugu baaqay inay Xerooyin geliso Ciidamada aan Booliska ahayn

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 21, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo xalay ka qudbadeynayay xaflad lagu maamuusayay sanadguuradii 64aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Ciidamada aan ahayn kuwa Booliska ay xerooyin geliso, si loo koontaroolo.
 
Maxamed Dheere ayaa sheegay in Ciidamo badan oo aan ahayn kuwa Booliska ay ku sugan yihiin Waddooyinka Muqdisho, kuwaasi oo uu xusay in aan la koontaroolin hab dhaqankooda iyo weliba hubka ay heystaan, “Askariga waxaa loo baahan yahay in uu xero ku jiro oo la koontaroolo hubkiisa iyo rasaasta qorigiisa ee ma ahan in uu dilo ciddii uu doono, ciddii uu doonana uu dhaco”ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaas ku daray  in sugidda ammaanka Muqdisho loo daayo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in ay soo gaarayeen in muddo ah falal dhac ah oo ay Ciidamo ka tirsan Dowladda ay ka geysteen magaalada Muqdisho, “taasina ma ahan mid loo baahan yahay”ayuu yiri Maxamed Dheere.

Maalin ka hor ayay ahayd markii wareegto ka soo baxday Maamulka Gobolka Banaadir oo uu ku saxiixan yahay Maxamed Dheere lagu sheegay in Waddooyinka iyo Xaafadaha Muqdisho aan lagu arki karin Askari lugeynaya oo aan Gaari saarneyn ama aan howlgal ku jirin, waxaana lagu sheegay wareegtadaas in Askarigii amarkaas u hoggaansami waaya laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Guddoomiyaha ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Ammaanka C/fataax Ibraahim Sabriye Shaaweey ayaa sheegay in ay dhawaan qabteen 50 askari oo falal dhac ah geysanayay, kuwaasi oo uu carrabka ku dhuftay in xabsiga loo taxaabay kadib markii laga qaaday hubkii iyo labiskii Ciidamada ee ay wateen.

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho ayaa waxay falal dhac ah ka geystaan xaafadaha u dhow halka ay ku sugan yihiin, waxaana ka mid ah  meelaha ay dadka ku dhacaan Xaafadaha dhanka Waqooyi ka xiga inta u dhaxeysa Isgoysyada Aadan Cadde iyo Folorenza ee Degmada Wardhiigley, gaar ahaan Xaafadda Geed Jaceyl oo ay inta badan maraan dadka u shaqo taga Suuqa Bakaaraha iyo kuwa wax ka soo iibsada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).