13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

16 ka mid ah Suxufiyiintii amarka lagu siiyay in ay Somaliland ka baxaan oo Maanta u amba baxaya Dalka Jabuuti

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, December 21, 2007(HOL): 16 ka mid ah Suxufiyiin ka cararay dhibaatooyinka Magaalada Muqdisho, isla markaana miciin biday Magaalada Hargeysa ee caasimadda u ah Somaliland ayaa waxay qorsheynayaan in ay maanta halkaas ka amba baxaan kadib markii uu maamulka Somaliland amar ku siiyay in ay isaga baxaan Somaliland.
 
C/risaaq Alan James oo Suxufiyiintan ka mid ah, isla markaana  u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay go’aansadeen in ay Somaliland ka baxaan, isla markaana ay aadaan dhinaca dalka Jabuuti.

Wariyahan waxaa uu sheegay in ay go’aankaas qaateen kadib markii Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ay u sheegtay sida uu hadalka u yiri in Somaliland aan dowlad ahaan loo aqoonsaneyn, isla markaana ay weli joogaan gobol ka mid ah Soomaaliya, sidaas darteedna aysan qaxooti ahaan u qaabili karin, “Markii ay UNHCR sidaas nagu tiri ayaan go’aansannay in aan Somaliland ka baxno oo aan aadno Dalka Jabuuti oo ka baxsan Soomaaliya”ayuu yiri C/risaaq Alan James.

Wariyayaashan ka cararay Magaalada Muqdisho ayaa markii ay gaareen Magaalada Hargeysa oo ay cabaar joogeen waxaa lagu eedeeyay in ay sameeyeen qoraallo ay Internet-ka geliyeen oo sida ay Xukuumadda Somaliland sheegtay wax u dhimaya xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Tan iyo markii ay ka sii dartay xaaladda nabadgelyo ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa Muqdisho isaga cararay Wariyayaal badan oo u shaqeynayay Idaacadaha Muqdisho, iyadoo Wariyayaashaas ay ku jiraan kuwo xarig iyo jir-dil ay u geysteen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adaha u dooda Xuquuqada Aadanaha iyo Suxufiyiinta ayaa warbixinno ay soo saareen waxay ku sheegeen in sanadkan sii dhamaanaya ee 2007 Soomaaliya lagu dilay ilaa 8 Wariye oo ay ku jireen madaxda Idaacado Muqdisho ku yaala oo kala ah Horn Afrik, Capital Voice iyo Shabeelle, iyadoo taasina la rumeysan yahay in ay keentay in ay wariyayaal badan dalka ka cararaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).