13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Qaramada Midoobay oo wada hadal ugu baaqaday dhinacyada isku haya Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 20, 2007(HOL): Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ayaa ugu baaqday dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay dagaallada joojiyaan, isla markaana ay ka wada hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Massimo D’alema oo uu  haatan dalkiisa hayo Xilka Guddoomiyenimada meertada ah ee Golaha Ammaanka ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka hor jeediyay baaq uu u diray Dhinacyada Soomaaliya ku dagaalamaya, kaasi oo ahaa in ay dirirta u dhaxeysa joojiyaan, taasi oo sida oo uu yiri haddii ay dhacdo dhabaha u xaareysa in la helo dib u heshiisiin Qaran oo loo dhan yahay.

15-ka Xubnood ee joogtada u ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay horay u soo dhaweeyeen magacaabiddii Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya ee Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kaasi oo ay magacaabistiisa u arkeen fursad dib u soo cusboonaatay oo lagu sameyn karo wada hadallo iyo dib u heshiisiin siyaasadeed, sidoo kalena lagu yareyn karo xaaladdaha Bani’aadannimo ee Soomaaliya ka jira.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxay soo dhaweeyeen warbixinno ay soo jeediyeen Danjirayaasha Xoghayaha Guud ee Qaramada u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee kala ah Ahmedou Ould-Abdallah iyo John Holmes, kuwaasi oo sheegay in Xaaladda dalka Soomaaliya ay ka sii dareyso, isla markaana ay dad tiradooda gaareyso 1.5 Milyan ay u baahan yihiin kaalmo deg deg ah.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu aad uga walaacsan yahay xaaladda bani’aadannimo ee  ka sii dareysa ee ka taagan dalka Soomaaliya, taasi oo sidii wax looga qaban lahaa ay caqabad ku tahay nabadgelyo-darro ka jirta Soomaaliya”sidaasi waxaa yiri Massimo D’alema oo xubnaha Golaha Ammaanka la hadlayay.

Ugu dambeyntiina, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa marka uu cabaar joogaba wuxuu shir ka yeeshaa arrimaha dalka Soomaaliya, iyadoo shirarkaasina ay noqdaan uun kuwo baaqyo laga soo saaro oo aan wax muuqda looga qaban dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).