13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo UN-ka ku eedeeyay in uu ka badbadiyo Xaaladaha ka jira Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 20, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa si kulul ugu eedeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu buun-buuniyo xaaladaha bani’aadannimo iyo kuwo nabadgelyo la’aaneed ee ka jira Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan xaaladda dalka Soomaaliya ahayn sidii hore.
 
Meles Zenawi oo u waramay Wariye Karen Allen oo BBC-da ka tirsan waxaa uu sheegay in xaaladda Soomaaliya aysan ahayn sida ay u sheegaan Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaasi oo uu sheegay in ay mar kasta sheegaan warbixinno aan xaqiiqo ahayn.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dagaallo aan dhamaad lahayn oo Muqdisho ugu dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda ay abuureen xaaladdo bani’aadannimo oo aad u daran, iyadoo sidoo kalena ay Hay’ado UN-ka ka tirsan sheegeen in 60% ay dadkii Muqdisho guryahoodii ka barakaceen.

Laakin Meles Zenawi waxaa uu sheegay in xaaladdaha ka jira Soomaaliya aysan ahayn kuwa ugu daran Afrika , wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in ay hay’adaha UN-ka ay door wax dhisaya ka ciyaaraan  arrimaha Soomaaliya oo markaasina aysan dhibaato geysan.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa uu beeniyay eedeymo loo jeediyay Ciidamadiisa jooga Soomaaliya, kuwaasi oo ah in ay si aan kala sooc lahayn dadka u rasaaseeyaan, wuxuuna sheegay in haddii ay taasi dhici lahayd ay ahaan lahayd is-khaarijin, “Ma jirto xabad aan iska fureynay oo aan cidna loo aaba-yeeleynin, maxaa yeelay waxay noqon lahayd is-khaarijin haddii aan ku dhaqaaqi lahayn howlgallo sidaas oo kale ah, annaguna jeedadeenu waxaa weeye in aan fursad u siino dowladda Soomaaliya in ay soo celiso Dowladnimadii Soomaaliya”ayuu yiir Meles Zenawi oo sheegay in Hay’adaha Qaramada Midoobay ay baahiyaan Warbixinno aan xaqiiqo ahayn oo ay soo gudbiyaan Wakaaladaha Wararka qaarkood, kuwaasi oo uu sheegay in ay tebiyeen in Muqdisho ay ka barakaceen dad gaaraya 600,000 oo qofood.

Meles Zenawi  oo wax laga weydiiyay in uu yareystay dagaalka ay Ciidamadiisa la galeen Islaamiyiinta, waxaa uu sheegay in uu markii hore qorshahoodu ahaa in la kaxameeyo Jihaadiyiinta, si aaney gacanta ugu dhigin Soomaaliya oo dhan.

“Qorshaheenii ugu horeeyay wuxuu ahaa in lagu xakameeyo saameyntii Jihaadiistayaasha halkaas jooga iyo in la isku dayo in laga hor-istaago dadkaas in ay gacanta ku dhigaan dalka Soomaaliya oo dhan, hadafkaasna waxaan ku gaarnay todobaadyo gudahood, balse waan ogeyn in dib u dhiska Soomaaliya ay muddo qaadaneyso”ayuu yiri Meles Zenawi oo sheegay in aaney xaaladda Soomaaliya ahayn sida ay u sheegaan Hay’ado sida uu yiri warar ka hela dad gacan saar la leh maxkamadihii Islaamka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxaa uu qiray in ay magaalo dhisan (Muqdisho) gudaheeda  ku dagaalamayaan Ciidamadiisa iyo Kooxaha ka soo horjeeda, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid aad looga xumaado, isagoo dhinaca kalena xaqiijiyay in ay Ciidamadooda Soomaaliya kala baxayaan marka la geeyo Ciidamo ka socda Midowga Afrika.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).