Khamiis, December 20, 2007(HOL): Wareegto ka soo baxday Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay lagu shaaciyay in Maamulku ka soo horjeedo Jaridda Dhirta laga sameeyo Dhuxusha iyo waliba in dibada loo Iib geeyo dhuxusha la shito iyadoo la sii marinayo Qaar ka mid ah Dekedaha dalka.
Waxaa sidoo kale wareegtada lagu xusay in si gaar ah isha loogu heyn doono dadka iyagu caadeystay Jiridda dhirta gaar Dhirta Qoyan oo marka la jaro kadib la shido si markaas dhuxul looga sameeyo, waxaana warku intaa ku darayaa in wixii hada ka danbeeya maamulku arintaa u xilsaari doono guddi si gaar ah ula socda.
Inkastoo marka la eego Gobolka Hiiraan ka ganacsiga dhuxusha la oran karo waa tan ugu muhiimsan ee dadka Reer Miyiga ah ka helo Macaashka ugu badan, ayaa haddana waxaa xusid mudan in ay jiraa Gadiid Dhuxusha laga qaado gudaha Gobalka Hiiraan geeya qeybo ka mid ah Gobollada Dalka si markaa loo sii dhoofiyo.
Sidoo kale waxaa ay wareegtadani saameyn ku yeelaneysaa Gadiidka ka soo baxa Magalada Muqdisho ee dhuxusha u qaada Gobolada W/Bari si markaa halkaa looga sii dhoofiyo kuwaasoo hadda la oran karo waa kuwa ugu badan ee isticmaala wadada isku xirta Gobollada dhaxe ee Dalka.
Waa markii ugu horeysay oo Wareegto looga hadlayo arimaha la xiriira Dhoofka dhuxusha laga soo saaro Gobolka Hiiraan, waxaase Xusid mudan in Dhuxusha tahay tan kaliya ee loo adeegsado Nolosha guriga Maadaama aysan jirin wax ilaa hadda gali kara kaalinta dhuxushu kaga jirto Nolosha taasoo meesha ka saareysa in gabi ahaanba la mamnuuco adeegsiga Dhuxusha marka laga reebo in dibada loo Iib geeyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia