13 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Safiirka Somalia u fariisanaya Uganda oo soo gaaray Magaaladda Kampala

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 02, 2007(HOL): Danjiraha Somalia u fadhin doona wadanka Uganda Ambassador Sayid Axmed Shiikh Daahir ayaa maalintii shalay aheyd soo gaaray magaaladda Kampala ee caasimada wadanka Uganda, haslkaas oo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Uganda iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid ahaa ku simihii Safaaradda C/qaadir Faarax ay ku soo dhaweeyeen.

Danjire Sayid Axmed Sheekh Daahir oo ka dulay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya oo uu ku sugnaa dhowr maalmoood, kaddib markii uu ka yimid Magalaadda Baydhabo ee xarun u ah Dowladda KMG ayaa hadda degan Hotel-ka DAY-TO-DAY ee magaaladdan Kampala, halkas oo aan caawa kula kulmay.

Ambassador Sayid Axmed ayaa maantaba Documents-kiisa aqoonsiga iyo shaqo u gudbiyay Wasaarada Arrimaha Dibadda Uganda, isagoo ka sugaya in si buuxda loo aqoonsado, looguna ogolaado shaqadiisa Safiirnimo iyo la kulanka Madaxweynaha dadlkan Yoweri Kaguto Museveni, isagoo Madaxweynuhu Safiirka ka guddoomaya   Warqadaha shaqada iyo midka Danjirenimada.

“Aad baan ugu faraxsanahay imaanshaheyga halkan, runtiina shaqadu waa billaaban dootaa sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Ambassador Sayid Axmed oo xalay kulan gaaban kula qaatay Hotelkiisa Odayaal ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kampala.

Ambassador Sayid Axmed ayay suurtogal tahay in maalinta Isniinta ah ee soo socota ay  Wasaaadda Arrimaha Dibadda ay u dhameyso documents-kiisa, wuxuuna safiirku booqasho ku tagay Xarunta Safaaradda iyo guriga uu degi doono intaba.

Sayid Axmed oo Dowladda KMG ah ay u magacoowday inuu noqodo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Wadanka Uganda, ayay u tahay markii labaad ee uu yimaado wadankan, iyadoo kal hore oo uu ahaa Wasiirka Maaliyadda ee Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan uu halkan shir uga qeybgaleen isaga iyo Ra’iisul Wasaarihii Xilligaas Dr. Cali Khaliif Galeydh.

Xaflad soo dhaweyn ah ayaa lagu wadaa in ay u qabtaaan Safiirka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkan ku dhaqan,   waxaana Safiirku uu la hadli doonaa dadka uu mas’uulka u yahay, isagoo kala hadli doona dhinacyo badan oo u baahan in wax laga qabto, iyadoo wixii warar ah ee ku soo kordha socdaalka shaqo ee safiirka aan idin la socodsiin doonno haddii Rabbi Idmo.

Dhinaca kale guddoomiyaha Somali Community Association Xuseen Garweyne oo ka mid ahaa dadkii booqashada iyo soo dhaweynta ugu tagay Safiirka cusub ayaa socdaal ku soo maray Isbitaalka Mengo Hospital halkaas oo ay jiifaan dhowr qof oo Bukaan Soomaaliyeed ah oo ay soo riteen cudurrada Malaariyo iyo Cagaarshoow, sidoo kalena qaba dhaawacyo isugu jira Jabniin, Gubasho iyo Qaliin indhaha ah.
 
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
farahblue_545@hotmail.com
Kampala, Uganda

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).