13 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobolka Hiiraan oo ku qabsaday war ay sii daayeen Idaacado ka howlgala Magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 02, 2007(HOL): Ciidamada Dowlada Itoobiya ee Fadhigoodu yahay Duleedka Duleedka Magalada Beledweyne ayaa ku tilmaamay qaar ka mid qalabka warbaahintu in ay si qalad ah uga hadleen Qasaaraha ka soo gaaray dhinaca Ciidamada Itoobiya dagaal dhawaan ay kula galeen kooxaha kacdoonka wada inta u dhaxeysa Degmooyinka Matabaan iyo Guri-ceel oo ka  kala tirsan Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud.
 
Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee Deegaanka Jante-guudisho kulan uu la yeeshay Suxufiyiinta ka howl-gasha Idaacadaha ka furan gudaha magaalada, waxaa  uu wax ka weydiiyay halka ay ka heleen xogta ku saabsan in dagaalkii dhawaan dhacay dhinaca Ciidamada Itoobiya lagaga gudbay mid ka mid ah gadiidka dagaalka, isla markaana sidoo kale lagu dilay labo ka tirsan Ciidamada.
 
Waxaa uu sheegay in warkaasi yahay war aan sal iyo raad laheyn gaar ahaan waxaa uu eedda arintaas dusha ka saaray Laanta Afka Soomaliga ee BBC oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid buun buunisa arimo aan waxba ka jirin.
 
”Gadiidka aynu wadano ma’ aha kuwo loogu tala galay in lagu Raaxeysto waxaana loo keenay dalka soomaliya in la gubo, laakiin waxaa la yaab leh in layska sheego war laab la kac ah” ayuu yiri Sarkaalka ka tirsan Ciidamada Itoobiya.
 
Mid ka mid ah Suxufiyiintii ay is arkeen Ciidamada Itoobaya ayaa u sheegay HOL in Sarkaalka Itoobiyaaku ku wargaliyay in ay xaqiiqda ka hadlaan hadii kala ay faraha kala baxaan howlaha ay ku jiraan.
 
Waxaa kaloo uu sheegay Suxufigaas in Sarkaalku Yiri, ”” Hadii nalaga dilo 1000 Askari sheega waayo waa run, laakiin ma’ ogolin in  Warbaahinta laga sii daayo warar dano gaar ah laga leeyahay”.
 
Waa markii ugu horeysan oo Ciidamada Itoobiya ee jooga duleedka Magaalada Beledweyney tagaan Idaacadaha ka howl-gala gudaha Magaalada Beledweyne, inkastoo ciidamadu ahaayeen kuwo diidan in warar qalad ah la sii daayo oo kaliya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).