12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Socdaalka Nabadda iyo is-dhex-galka Bulshada oo ka bilowday Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 02, 2007(HOL): Isku-soo-bax balaaran oo loogu magac-daray Socdaalka Nabadda iyo is-dhex-galka Bulshada, laguna taageerayo nabadda ayaa si rasmi ah ugu billowday saakay Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Isku-soo-baxaan ayaa wuxuu ka dhacayaa 171-dal oo adduunka ah  oo ay ku jiraan 8-dal oo Afrikaan ah; waxaana soo qabanqaabiyay isku-soo-baxaan Hay’ad lagu magacaabo NORWEGIAN CHURCH AID (N.C.A) isku-soo-baxan ayaa waxaa  ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socota Maamulka Gobolka Gedo iyo Gobollo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ururrada Bulshada Rayidka, Ardayda, Macalimiinta iyo Dadweyne kale oo ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa qayb ka noqonaya isku-soo-baxaan; loogu magacdaray Socodaalka Nabadda; kaasoo lagu mari doono goobo fara badan oo kala duwan.

Ka qaybgalayaasha ayaa ka hor inta aysan imaan goobta uu socodku ka billaabanayo waxay socod ku soo marayaan xaafadaha degmada Garbahaarey; iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin muhiimadda nabada iyo khasaarooyinka ay sababaan dagaalada iyo qabyaalada iyo weliba qatarta cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.
 
Cabdi Gaashaan Gigaal oo ah isku duwaha barnaamijyada Hay’addaas soo qabanqaabiyay socdaalkaan ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkan uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed lagu tusayo wanaagga Nabada iyo dhex-galka bulshada iyo weliba ka hor-tagga cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka, iyadoo ay barbar socoto ka digidda Gudniinka Fircooniga ah.
 
Socdaalkaan nabadeed ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa ee abid ka ka dhaca Gobollada Koofureed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku yaalas Xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.
 
Isku soo baxa ayaa inta uu socdo; waxaa la shidayaa codbaahiyaal laga sii daynayo heeso ka hadlaya nabadda iyo is dhexgalka bulshada oo laga xusi karo kuwo ay qaadaan Fannaaiinta kala ah: Bashiir Ibraahim Cabdi iyo Nimco Dheer oo dibadda dalka ku maqan, balse looga bartay heeso ay ku sharraxayaan Nabadda iyo is-dhexgalka Bulshada.
 
Isku soo baxayaash ayaa lagu wadaa inay booqasho ku tagaan maanta Qabriga Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum Maxamed Siyaad Barre oo ku duugan deegaanka Garba-haareey ee isla gobolka Gedo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).