13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Sidee looga Ciiday Magaalooyinka Somaliland?

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco December 19, 2007 (HOL)- Guud ahaan dunida Islaamka, ayay umadda reer Somaliland maanta kala sinnayd Xuska Iiddal-Udxada ee sanadda Islaamka. Taas oo kumannaan dad ahi ay isugu soo baxeen Masaajidada iyo goobaha kale ee bannaan, tukashada Salaadda Ciidda. Waxaana halkaa kula tukaday Masuuliyiin iyo Madax ka tirsan Maamullada heer degmo ilaa gobol iyo Axsaabta Qaranka.

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saaka Salaaddii Ciidda shacabka kula tukaday Masaajidka wayn ee Masjid Jaamaca Hargeysa. Halkaas oo uu salaadda ka dibna kula hadlay dadweynihii tukanayay, isaga oo Ilaahay uga baryay guud ahaan umadda Islaamka, gaar ahaan kuwa reer Somaliland inay sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo. “Guud ahaan umadda Muslimka, gaar ahaan umadda reer Somaliland waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu sanadka-sanadkiisa inagu gaadhsiiyo nabad-qab iyo barwaaqo, oo uu belaayo oo dhanna inaga xijaabo” ayuu yidhi M/weynuhu.

Guud ahaan shacabka reer Hargeysa, ayaa saaka isugu soo baxay fagaarayaasha iyo suuqyada Magaalada, farxadda Xuska Ciidal-Adxada awgeed. Iyaga oo sida caadiga u ah dadweynaha maalmaha Ciidda, isweydaarsanayay kelmado ay ka mid ahaayeen, “Ciid Mubaarak, Ciid Wanaagsan, Ciidal-caafiya IWM.”

Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, ayaa dadweynaha ku dhaqani si weyn uga iideen, iyaga oo tukashada Salaadda Ciidda ka sokow, isugu soo baxay suuqyada, isla markaana ay meel fagaare ah kala hadleen Masuuliyiinta heer degmo, sida Maayarka Degmada. Waxaanad ka dareemi karaysay Xuska Iiddal-Adxada.

Sidoo kale, Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa iyana la mid ahayd Magaalooyinka kale ee dalka. Inkasta oo aanay jirin Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan amaba Axsaabta Qaranka oo halkaasi dadweynaha kala hadashay, haddana dadweynaha ku dhaqan Burco ayaa si wayn u xusay Ciidal-Adxada.

Dhinaca kale, Magaalooyinka Borama, Ceerigaabo iyo Laascaanood ee gobollada Awdal, Sanaag iyo Sool, ayaa iyaguna si wayn looga xusay Munaasibadda Ciidda barakaysan ee Ciidal-Adxada.

 
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).