Arbaco, December 19, 2007(HOL): Odayaasha, Waxgaradka iyo Culumaa’udiinka Jufooyin ka soo wada jeeda Beesha Cabdalla Caroone ee Abgaal ayaa wada hadal ay ka yeesheen waxay uga heshiiyeen colaad dhexmartay, iyagoo go’aansaday in qofkii hadda kadib qof dila isna la dilo.
Xasan Cali Warento oo ka mid ah Odayaasha beeshaas oo ka qeybgalay kulanka lagu heshiiyay labadaas Jufo ayaa sheegay in ay Jufooyinkii dagaalamay 100% ku heshiiyeen go’aankaas, isla markaana ay ballanqaadeen in ay dhowraan.
Dagaal dhawaan dhexmaray labo Jufo oo ka tirsan Beesha Cabdalla Caroone ayaa waxaa ku geeriyooday dad tiradooda gaareyso 11 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kale oo intaas ka badan, kuwaasi oo dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho.
Xasam Cali Wareynto waxaa uu sheegay in kulanka go’aankaas lagu gaaray uu guddoominayay Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Abgaal, sidoo kalena ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socday maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu hoostago deegaanka ay ku dagaalameen maleeshiyooyinka labada Jufo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Go’aanka ay gaareen Odayaasha Beeshan ayaa si weyn looga soo dhaweeyay Deegaanka Xaaji Cali ee uu dhawaan dagaalka ka dhacay, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay labada Jufo ee ay maleeshiyooyinkooda dagaalameen ay isu cafiyeen dadkii ay kala dileen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia