13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Magaalada Muqdisho oo aan maanta si weyn looga ciidin

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 19, 2007(HOL): Maanta waxay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidda Carafo, waana maalin farxad leh oo ay dadka Muslimiinta ah si weyn u maamuusaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciiddan ka mid tahay labada Ciidood ee ay dadka Muslimiinta ah leeyihiin.

Hayeeshee Magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Dalka Soomaaliya ayaan maanta si weyn looga ciidin, waxaana taas ugu wacan iyadoo uusan hagaagsaneyn ammaanka Muqdisho, isla markaana dagaallo ka dhacay ay ku barakaceen dad boqolaal kun gaaraya, kuwaasi oo badankood ay ku sugan yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Maamuuska ay Dadka Muqdisho u sameeyeen Ciidda Carafo waxay kaliya sanadkan ku soo koobantay in ay guryahooda iyo masjidyada ku yaala xaafadahooda ay ku tukadaan Salaadda Ciidda, kadibna ay isal xaafadahooda ku xafladeeyaan.

Sidii horay u dhici jirtay ma jirin saaka Dad isu maalin joogayay oo isa soo booqanayay, waxaana qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa aysan nabadgelyo darrada ka jirin lagu arkayaa caruur aan badneyn oo ku ciyaaraya guryahooda hortooda.

Sidoo kalena, Ciiddan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo ay jiraan Dad badan guryahoodii ka barakacay, isla markaana ku nool geedo hoostood iyo weliba aqallo cooshado ka sameysan, kuwaasi oo ay ka sameysteen meelaha ay u qaxeen, waxayna dadkaas inta badan ku nool yihiin deegaanada Ceelashada Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi, Dayniile, Shiikh Cali Cabdulle iyo Galgalato, kuwaasi oo dhamaantood ku yaala Magaalada Muqdisho duleedyadeeda.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka Muqdisho ayaa saaka marka ay isugu hambalyeeyaan munaasabada Ciidda kadib waxay ku duceysanayeen in Allaah uu dhibaatada ka dul-qaado, isla markaana uu Ciidaha soo socda gaarsiiyo iyadoo dalku  nabad yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).