Arbaco, December 19, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Isgoyska Aadan Cadde iyo nawaaxigiisa ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan, iyadoo halkaasina uu ka dhacay iska hor-imaad qadar daqiiqado ah socday oo ay labada dhinac isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Iska hor-imaadkaas oo rasasta la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado ka fog halka dagaalka ka socday ayaan la sheegin wax khasaare ah oo labada dhinac ee dagaalamayay soo gaaray, iyadoo taasina ay ugu wacneyd xiliga dagaalka dhacay oo habeen ahayd, dadkuna ay guryahooda iska joogeen.
Dagaalkaas kadib saaka waa caadi goobihii ay xalay dagaallada ka dhaceen, iyadoo dadka si caadi ah u marayaan Wadada Wadnaha, gaar ahaan nawaaxiga Geed Jaceyl iyo Isgoyska Aadan Cadde oo xalay uu iska hor-imaadka ka dhacay, walow hareeraha Wadadaas iyo weliba xaafadaha dhexdooda ay ku jiraan Ciidamada Dowladda.
Isgoyska Aadan Cadde iyo Isgoyska Howl-Wadaag ayaa waxay muhiim u yihiin dadka ka dukaameysta Suuqa Bakaaraha iyo kuwa mehradaha ganacsi ku leh, waxaana mar kasta oo ay iska hor-imaadyo ka dhacaan hakad gala dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Suuqa Bakaaraha.
Suuqa Bakaaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu yahay mid uu sii xumaanayo ammaankiisa, waxaana gudaha Suuqa ka dhaca iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Kooxo Hubeysan oo ka soo horjeeda, inkastoo maalmahan ay ugu soo darsameen madaafiic aan la ogeyn meel laga soo tuuray oo Suuqa lagu garaacayo, kuwaasi oo sababay dhimashada dad badan iyo dhaawaca dad kale oo aan iyana yareyn.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia