13.1 C
London
Monday, October 13, 2025

Hoggaankii Urur-siyaasadeedka Qaran ee xirnaa oo la soo daayay iyo waxa ay ka yidhaahdeen soo dayntooda

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, December 18, 2007(HOL): Hoggaankii sare ee Urur-siyaasadeedka Qaran, ayaa saaka waaberigii soo gaadhay Magaalada Hargeysa, ka dib markii xalay saqdii dhexe laga soo daayay Xabsiga Mandheera, halkaas oo ay muddo 4 bilood iyo 20 habeen ah ay ku xidhnaayeen xabsigaas, arrimo la xidhiidha afkaar siyaasadeed awgeed.

Guddoomiyaha Ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gabbose iyo labadiisa ku-xigeen Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa soo dayntoodu waxay ka dambaysay ka dib markii ay koox Salaadiin ahi waan-waan kala gashay Madaxweyne Rayaale soo daynta siyaasiyiintan. Kuwaas oo uu xalay fiidkii Madaxweynuhu amray in la soo daayo.

Hase ahaatee waxa uu in badan Madaxweyne Rayaale shuruud uga dhigay soo dayntooda inay cafis u qortaan Madaxweynaha oo ay ka dalbadaan. Taas oo ay siyaasiyiintan la soo daayay iyo Ururkooduba qaaddaceen. Hase yeeshee, dedaallo badan oo la sameeyay ka dib, waxa aakhirkii la soo daayay ilaa 1:30 habeenimo ee xalay, waxaanay sida la sheegay Magaalada Hargeysa soo gaadheen goor waaberigii ku dhaw.

Siyaasiyiintan la soo daayay waxa xabsiga loo taxaabay 28 July ee sanadkan. Ka dib markii ay ku dhawaaqeen horraantii sanadkan Urur Siyaasadeedka Qaran. Waxaana Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo dacwadda ku qaadaysay Xabsiga Mandheera ee Gobolka Saaxil gudihiisu ku xukuntay min saddex sanno iyo sagaal bilood oo xadhig ah.

Haddaba soo dayntoodaa ka dib ayay maanta Shir jaraa’id ku qabteen Xafiiskooda Magaalada Hargeysa. Halkaas oo ay kaga warameen, kagana hadleen Xadhigooda, Mawqifkooda Siyaasadeed, tallaabada xigta ee ay qaadayaan iyo arrimo kale. Hase ahaatee su’aalo la waydiiyay ka hor waxay halkaa ka akhriyeen qoraal ay ugu mahad naqayaan ciddii gacanta ku lahayd sii dayntooda amaba u dhaqdhaqaaqday sii dayntooda. Qoraalkaas ayaa waxa uu u dhignaa sidan;

“Waxaanu halkan uga mahad naqaynaa dhammaan dadka reer Somaliland ee Xaqa taageeray. Iyada oo ay badan yihiin dadka aanu Maskaxda ku haynaa ee aanu u mahad naqaynaa, haddana waxaanu si gaar ah ugu mahad naqaynaa haddii aan soo koobno, Ururka Gar yaqaanada Somaliland (SOLLA), Dalladda Xuquuqal-Insaanka ee SHURO NET, hadda maaha tan inqilaabka ku qabsatay, ee SHURO NET-kii hore ee aynu garanayno ee u doodayay 700 ee qof ee ku jira Xabsiga Mandheera ee ay inta badan Xukuntay Maxkamaddan la yidhaahdo Maxkamadda deg-degga ah.

Shirguddoonka Golaha Wakiillada oo muujiyey lexejeclada uu dalka ka qabo iyo Xilka saaran ee uu gutay. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa Xisbiga Kulmiye oo runtii isaguna mawqif cad oo dareen leh iska taagay. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa Xisbiga UCID, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa oo aanu isleenahay qof kasta oo la xidhaaba wuu ka war heli doonaa, Bahda Warbaahinta oo ah wehelka qudha/keliya ee qofka dolman ee wax tirsanaya u dooda runtii, dhan kastaba markaad ka eegto waa difaacayaal, waana nimanka ka soo saara Caloosha siyaasiga wuxuu ku qarsanayo, waanu ku garab taaganahay goob kasta iyo meel kasta oo ay joogaanba. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa, Amnesty International, EU, Somaliland Forum, Ururka Haweenka. Salaadiintii u dambaysay ee hawsha dadweynihii galay ka midka ahaa, guddidii hore ee dhex-dhexaadinta, gaar ahaan abwaanadi Gaariye iyo Hadraawi, oo waxan ay ku hadlayaan ay qiimo badan ku joogeen, waxaanay noo muujiyeen waxay u halgameen.

Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa, Mujaahid Xasan Ciise, Suldaan Cismaan Suldaan Cali, Suldaan Cabdilaahi Laydh, Dr. Cumar Dixood, Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin, Baarlamaanka Ingiriiska ragga ictiraaf-raadinta Somaliland uga shaqeeya, oo Daahir Rayaale qoraallo badan u soo sameeyay oo uu ka dhego adaygay. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa Sheekh Aadan Siiro, dad aanan soo koobin karin, dhammaan dadkii nagu soo booqday Jeelka iyo dadkii qoraallada ku muujiyey xadhigayaga.”

Cali Ducaale oo ka mid ah guddigii ku-meelgaadhka ahaa ee hogaaminayay Ururkii intii ay siyaasiyiintani xidhnaayeen, ayaa ka war bixiyay dareenkooda urur ahaan. Waxanu yidhi, “Waxaanu aad ugu faraxsanahay inay Madaxdayadii soo noqdeen, oo ay hawshii nala galayaan, waxaanu Ilaahay ka baryaynaa inay saddexdaa Mujaahid ee ay Xukuumadda Somaliland xidhay, inay noqdaan siyaasiyiintii reer Somaliland ee ugu dambeeyey ee la xidho, oo aanay kuwo kale raacin, oo uu inaga xidhmo albaabkaa siyaasiyiinta loo xidhayo. Waa tallaabo fiican, waxaanu jecelnahay in hore loo sii qaado.”

Intaa ka dib su’aalihii halkaa lagu waydiiyay siyaasiyiinta la soo daayay iyo jawaabihi ay ka bixiyeen waxay u dhaceen sidan;

S: Waxaad ka warantaan qaabkii laydiin soo daayay, sida laydiinku sheegay inaad soo baxaysaan iyo dareenkiina?

J: Jamaal Caydiid; Xalay mar ay ay ahayd saacaddu 1:30-kii habeenimo, oo ah waqti aanan u baran in Laydhka la shido, waayo Laydhka waxa la bakhtiiyaa 10:00 habeenimo, ayaa Laydhkii la daaray oo la shiday. Dabadeed anaga oo markii horeba u diyaar garaysan inaanu Soonno, ayaanu dareenay inay wax soo kordheen. Maanaan garan waxa soo kordhay, hase ahaatee cabbaar ka bacdi ayaanu maqalnay Albaab wayn oo dibedda lagu xidho furitaankiisii, waxa noo soo galay Taliyihii Jeelka iyo Taliye-ku-xigeenka guud ee Asluubta. Runtii na salaame, anaguna salaanay, hase yeeshee waxay u ekayd uun argagaxii markii hore dadka lagu kaxeeyay mid la mid ah, in laguu yimaaddo oo lagu yidhaahdo alaabtaada xidh-xidho.

Waxaanu ku nidhi waxay ku habboonayd in waagu beryo oo aanu saani u baxno. Markaa qaabkaas ayaanu ku soo baxnay, laakiin wax kale oo tafaasiil ah ma jirin, waxa uu taliyihii noo sheegay inuu Madaxweynuhu cafis noo fidiyey, wax Dhokumenti ah iyo wax Waraaqo ah oo aanu meesha kaga soo baxnay ma jirto. Dareen farxad leh weeye inaanu la iidno dadkayagii, Caruurtayadii iyo dalkayagaba, hase ahaatee sifihii nalagu kaxeeyay ayaa nalagu soo celiyey, ha ahaato afduub ama ha ahaato wax kale, sharci alla sharci aanu ku xidhnayn oo nalagu soo daayay ma garanayno ilaa hadda.

S: Dadka badankiisu waxa laga yaabaa inay isweydiinayaan, oo ay aaminsan yihiin Dr. Gabboose waqtigii Doorashada wuxuu taageeray M/weyne Rayaale oo ku guulaystay. Markaa iyada oo ay sidaa tahay, waa sidee dareenkaagu in ninkii aad taageertay uu muddo 5 bilood ku dhaw xabsiga idiin taxaabo?.

J: Dr. Gabboose; Horta mid baan doonayaa inaan saxo, waxa weeye anigu Daahir Rayaale marna ma dhisin oo ma taageerin, urur aan ku jiro ayaan gelin, UDUB-baanan gelin, meel uu warkaasi igaga yimid Daahir Rayaale ayuu Tareenka la raacay, ma garan karo. Maalintii uu is-sharaxayay (M/weyne Rayaale) anigu khudbad baan Ururkaygii SAHAN ka akhriyay, maantana aan aaminsanahay, waxay ahayd, inaan Daahir Rayaale noqon karin ninkii halgankeena iyo riyadeena buuxin lahaa. Maalintii isaga la dooranayay taas ayaan aaminsanaa, maantana aan aaminsanahay. Waxaan ka xumahay warkan, malaha Ururkii SAHAN baa galay baa la maqlaye, aniga iyo isagu (M/weyne Rayaale) isugumaanu iman meel hiil ah iyo meel halgan ah, nasiibkaana keenay haddii xataa uu siduu doono ku yimaaddo. Waxaanse is-idhi intii aan Jeelka ku jiray, waar malaha khayr baaba ku jiroo, haddaad is baranaysaan.

S: Dedaalkii badnaa ee loo galay sii dayntiina ka sokow, waxa jiray in M/weynuhu ku adkaystay inaanu idiin sii daynayn ilaa aad cafis u soo qorataan, idinkuna aad sheegteen inaydaan Xabsiga ka soo baxayn ilaa wax sharci ah la idin tuso oo laydinku xidhay, imikana si kedis ah ayaa laydiin soo daayay, oo aad idinkuna u soo baxdeen. Markaa maxaa is bedalay?

J: Mawqifkayagu waa sidii hore, Xabsigana wuu ku sii bislaaday. Haddii aanu markii hore Qaran ahayn, hadda Qaran oo far waawayn ah (CAPITAL) ayaanu nahay. Haddii aanu markii hore xaq raadsanaynay, imika xaqii oo umaddii sii wada akhriday ayaanu soo baxnay. Qolka markaanu ku jirnay ayaa waxaanu tirsanaynay sida naloo kala xigo, waxaanu ogaanay inaan Bahda Warbaahinta cidi naga xigin. Haddii aanu Qaran nahay iyo haddii aanu wax kasta oo kale noqono, bahwayntaas oo uu ugu horeeyo Sharcigan hadda la soo dhigay (Sharci lagu xakamaynayo Saxaafadda oo xukuumaddu ansixisay), haddii ay bannaan-bax tahay iyo haddii ay qoraal tahay iyo haddii ay diidmo tahay waanu kala hor tagaynaa. Waayo waxa afkiina iyo fikirkiina cabudhinayaa, waa wax anagana afkayaga iyo fikirkayaga cabudhinaya.

Kolkii nala xidhayay ilaa hadda ma hayno waraaq Maxkamadeed oo noo sheegaysa intaas oo sanno ayaad xidhnaanaysaan oo laydinku xukumay, afka ayuunbaa nalaga yidhi. Haddana afkii waxa nalaga yidhi, orda oo baxa.

S: Waxa jiray Salaadiin ka qayb qaatay sii dayntiina, waxa jirtay Warqad ay Madaxweynaha u qoreen, idinkana idiin keeneen. Maxaa ku qornaa Warqaddaa?.

J: Salaadiintu way noo yimaadeen, adduunku maanta waa Tuulo, gurigaaga dhexdiisa waxa ka dhacaya ayaa lagula og yahay. Markaa Caalamka waxa jira dad doonaya inay Somaliland Ictiraaf hesho, inay horumar hesho, hebel iyo hebel laguma jecla. Daahir Rayaale iyo Jamaal Caydiid ma kala yaqaanaan, ee dimuqraadiyad iyo Xuquuqal-Insaan ayay tixgeliyaan. Waxa la arkay in laga leexday waddadii, sidaa daraadeed waxa bilaabantay qaylo-dhaan, shaqsiyaad waawayn oo Caalamka ka mid ah, Baarlamaanka Ingiriiska, EU-da, Baarlamaanka Yurub Xisbiga ugu wayn. Kuwaas oo kaliya maahee, gudahana min Ceerigaabo, Hargeysa ilaa Boorama waxa ka socday dhawaaq odayaal, ilaa guddigii ugu waynaa ee Hadraawiyo.

Salaadiintani waxay ka mid ahaayeen dadkaa Somaliland ka naxayay, haddii ay noo yimaadeenna waxay noogu yimaadeen salaam, waxa aan meesha noogu iman waxa jira oo kaliya shaqsiyaadka UDUB (Xisbiga talada dalka haya) ku jira, laakiin umaddai inteeda kale Xabsiga way noogu timid. Marki ay noo yimaadeen waa run oo waxay wateen Waraaq, hase ahaatee noogumay iman inay dammiin nooga qaataan inay arrintaa na dhex galaan, noogumay iman inaan toosino ama ay wax naga qoraan. Waayo waxaanu 5-ta bilood ugu jirnay afarta Gidaar (Jeelka) waxa weeye, inaan umaddayada barno inaan Xabsiga lagu dhiman, inaan Xabsiga laygaga dhigi karin inaan qaato fikirkayga mid ka duwan. Sidaa awgeed Xabsiga iyo ku jiritaankayagu duruus dadkayaga u socota ayay ahayd. Tan kale ee Cafis soo qorta, ee cagaha I soo qabsadana waxay ahayd, siyaasiga naga dambeeyaanu u hiilinaynay, oo haddii aanu yeeli lahayn kuwaa naga dambeeyana Lugaha na soo qabsada ayaa la odhan lahaa.

Markaa waxaanu ugu jirnay in haddii aad xaqa ku taagan tahay aanad waqtiga qiimo siinin, duruufta adagina ay tahay Dimuqraadiyadda waddada loo maro iyo sharafta waddada loo maro. Wxaan idiin hubaa cidda maanta cidda guul-darrada iyo sharaf-xumada ku jirta waxa ugu horeeya Madaxweynaheena Daahir Rayaale. Ilaahow yaa qalbigiisa ogaada, wuxuu yidhi Ilaahow yaa qalbigiisa intuu jeexo gura, haddii aan guro waxaan hubaa kuwii kula taliyay inuu maanta ka shalleeynayo.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).