13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo ogolaaday codsi uu u soo jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 18, 2007(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu ogolaaday codsi uu u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kaasi oo ahaa in loo kordhiyo mudada uu ku soo dhisayo Xukuumadda cusub.
 
Ra’iisal Wasaaraha oo maanta hortegay Baarlamaanka ayaa wuxuu codsaday in  muddo lix cisho ah oo uu u heysto in uu ku soo magacaabo Xukuumadda cusub in loogu daro muddo muddo labo todobaad ah, iyadoo codsigaasina uu Baarlamaanka aqbalay kadib markii cod loo qaaday.

Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, isla markaana  ay ka soo xaadireen 164 Mudane ayaa 158 Mudane oo ka mid ah waxay ogolaadeen in Ra’iisal Wasaaraha mudadaas la siiyo, halka 4 Mudane ay diiday codsigaas, 3 Mudane oo kalena ay iska aamuseen markii codka la qaadayay.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa inta aysan dhamaan mudada uu siiyay Baarlamaanka waxaa looga fadhiyaa in uu ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo weliba ka tiro yar Xukuumaddii uu horay u soo dhisay ee la dhaliilay.

Ra’iisal Wasaaraha oo shalay ka hadlayay kulan qado ah oo uu u sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in uu soo dhisi doono Xukuumad 18 Wasiir ka kooban, taasi oo uu rajeeyay in ay ka tayo wanaagsanaan doonto Xukuumadihii hore ee soo maray Soomaaliya.

Xukuumadda 18-ka Wasiir ka kooban ee uu soo dhisi doono Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo dabcan ku saleysan qaab qeybsiga 4.5 ayaa waxaa la sheegayaa in ay Beelaha Soomaaliyeed u kala qaadan doonaan min 4 xubnood oo la siinayo afarta beelood, halka labada xubnood ee soo hartayna la siinayo Beesha Shanaad.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxay dad badan is-weydiinayaa sida ay Beelaha Soomaaliyeed u qeybsan doonaan Xukuumad ay xubnaheeda ka kooban yihiin 18 Wasiir, iyadoo la xusuusan yahay in ay ku heshiin waayeen Xukuumad xubnaheeda ay boqol ruux ku dhow yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).